القائمة الرئيسية

الصفحات

Madaxweynaha Dawladda Puntland Oo Maanta Garoowe Ka Dhagax Dhigay Dhismaha Wasaaraada haweenka iyo Horumarinta Qoyska Puntland (Sawiro)

Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr.Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa maanta dhagax dhigay Dhismaha Xarunta Dhexe ee Wasaaradda Haweenka iyo horumarinta Qoyska puntland oo kamid ah wasaaradaha ugu shaqada badan Puntland isla markaasina ya muhim tahay in ay hesho dhisme ka bedelan kan ay hadda ku shaqayso. 

Waxaana kasoo qayb galay dhagax dhigga wasaaradda Haweenka iyo Horumarinta Qoyska Guddoomiyaha Golaha Wakiilada Puntland Mudane Axmed Cali Xaashi, Wasiirka Haweenka iyo Arimaha Qoyska ee Puntland Aniiso Cabdulqaadir xaaji Muumin iyo ku xigeenkeeda Farxiya Yuusuf Xirsi Wasiiro, Xildhibaano, shirkadii dhisaysey Wasaaradda iyo Masuuliyiin kale. 

Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr.Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa ku bogaadiyey Wasiirka Haweenka iyo Horumarinta Qoyska Murwo Aniisa Cabdul-qaadir Xaaji Muumin dedaalka baaxadda leh ee ay ugu jirto horumarinta iyo tayaynta Wasaaradda, maadaama wasaaraddu ay ku taxalluqdo arrimaha hooyada iyo dhallaanka iyo dhammaanba arrimaha bulshada taasina ay u baahantahay in il gaara lagu hayo dhismahanina uu waxbadan ka-qabandoono arrimaas oo dhan. 
IMG_9689

IMG_9664IMG_9666
IMG_9675
IMG_9686IMG_9689
IMG_9699IMG_9717IMG_9740IMG_9759
IMG_9766