Maxkamadda Gobolka Nugaal ee Dawlada Puntland ayaa waxay maanta amartay in la sii daayo laba nin oo u dhashay dalka Indonesia, oo muddo billo ahba ku xirnaa xabsi ku yaala Magaalada Garoowe Ee Xarunta Gobolka Nugaal.
Labadan nin oo lagu kala magacaabo Mohli Batiwawa iyo Aziz Hermans, ayaa waxay la socdeen markab ka diiwaangishan dalka Yemen, oo ku soo caariyay Xeebaha Degmada Eyl.
Raggan, ayaa markii ugu horeysay Maxkamadda Gobolka Nugaal ka soo muuqday 27-kii bishii October. Waxaana xilligaa lagu soo eedeeyay inay haysteen ruqsad been abuur ah, iyagoo markaasi watay shabaakado waawayn, oo ay ku qabsadeen kalluun gaaraaya 2,500 tan.
Gudoomiyaha Maxkamadda Darajada 1-aad Gobolka Nugaal, C/nuur Jaamac Xuseen oo ka hadlay tallaabada ay Maxkamadda ku sii deysay labadaasi nin, ayaa sheegay in wax dembi ihi lagu waayay, sidaasi daraadeedna ay fasax yihiin.
Qareenkii difaacaayay ragga dembiga lagu waayay oo lagu magacaabo Saciid Cabdi Muumin, ayaa wuxuu soo dhaweeyay cafiska ay Maxkamadda u fidisay raggaasi ajaaniibta ah.
SHABAKADA BAARGAAL.NET
Isha wararka Horumarka Deegaanada Calbari