Garoonka diyaaradaha caalamiga ah ee Garoowe ayaa maanta xaflad dhagax dhiga ah loogu sameeyay magaalada Garoowe ee caasimadda Puntland, waxaana kasoo qayb galay madax ay kamid yihin madaxwaynaha, guddoomiyaha baarlamaanka, madaxwaynihii hore ee Puntland Faroole iyo kuxigeenkiisii.
Garoonka waxaa dhagax dhigay madaxwaynaha Puntland oo ay weheliyaan masuliyiin iyo odayaal dhaqameedyo iyo shirkadda garoonka dhisaysa.
Markii xafladda dhagax dhigga soo dhammaatay ayaa la isugu soo laabtay xaflad ballaaran oo khudbado kala duwan laga jeediyay.
Madaxwaynihii hore ee Puntland C/raxmaan Faroole ayaa halkaasi ka hadlay si faah faahsanna taariikhdiisa uga sheekeeyay garoonkan marxaladihii uu soo maray.
Dhinaca kale madaxwayne Gaas ayaa si rasmi ah usoo xiray xafladda asagoo sheegay in dal aannu horumar gaari Karin hadii uusan lahayn, madaaro iyo dekedo.
Wuxuu xusay in lagu tiirsanaado kaalmo caalami ah inaysan fiicnayn e taa baddalkeed ay fiican tahay in dalka maalgashi lagu sameeyo waddoyin iyo airport la'antoodna inaan cidina imaanayn waddanka.
Gabo gabadii wuxuu ugu baaqay Puntland inay jeebka furan oo ku deeqaan mashaariicda horumarinta ee dalka ka soconaya, sida waddada Ceel Daahir iyo Ceerigaabo.
SHABAKADA BAARGAAL
NET
Isha wararka horumarka calbari