SAWIR : Qori-ismaris weerar ka geystay degaan ka tirsan gobolka Sool

Deegaan ka tirsan degmada Kalabayr ee gobolka Sool ayaa waxaa ka dhacday arrin cabsi leh ka dib markii wiil yar oo Afar sano jira uu weeraray Qori-ismaris sida ay shegeen dadka degaankaas kaasoo u dhaawac uga gaystay cunaha.

Dadka badbaadiyey wiilka yar ayaa sheegay in isla markiiba uu baxsaday bahalkan waxayna xuseen inaysan sheegi karin amaba aysan saxi Karin muuqaalka dhabta ah bahalkan dhaawaca u gaystay wiilkan yar.

Arrinta kele ee yaabka leh ayaa ah in dhaawac wiilkan uu soo gaarsiiyey bahalkani uu u isticmaalay mindi taasoo cabsi ku sii abuurtay dadka degaankas oo xilligan baadi goob ugu jira sidii ay u beegsan lahayeen bahalkan lagu sheegay Qori-ismariska.

Dhaawaca wiilka yar ayaa la gaarsiiyey magaalada Laascaanood waxaana lagu daawaynayaa Cusbitaalka magaaladaas.

BAARGAAL.NET
Isha wararka horumarka calbari
Developed by Jago Desain