Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas iyo wafdigii uu hoggaaminayey ee maalmihii u dambeeyey ku sugnaa Muqdisho ayaa maanta dib ugu soo laabtay magaalada Gaalkacyo xarunta Gobalka Mudug ee Puntland.
Wafdiga oo ka koobnaa Wasiiro, Xildhibaano, iyo ururada bulshada rayidka ah ayaa magaalada muqdisho ku maqnaa in kabadan 10-cisho halkaas oo ay u joogeen shirarkii looga hadlayey doorashada 2016-ka ka dhacaysa Soomaaliya.
Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr.Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa waxaa garoonka diyaaradaha ee Cabdulaahi Yuusuf ku soo dhoweeyey Wasiiro, Xildhibaano, Maamulka Gobolka Mudug, kan degmada Gaalkacyo, saraakiil ciidan, fannaaniin iyo dadweyne kale .
Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa ka-warbixiyey shirarkii ay u tageen magaalada Muqdisho isagoona ku tilmaamay inay ahaayeen shirar muhim ah maadaama looga hadlayey masiirka dalka soomaaliya , inkasoo aysan ku soo dhammaan is afgarad.
Madaxweynaha Dawladda Puntland ayaa sidoo kale sheegay in 16-sanno qabiil wax lagu soo dooranayey maantana la joogo xilligii laga gudbi lahaa xayndaabka 4.5 loogana sii tallaabi lahaa dimuqraadiyad, horumar iyo caddaalad, welibana Dawladda Puntland ay tahay cidda ugu horaysa ee diyaarka u ah soona dhoweynaysa tallaabo kasta oo dhanka dimuqraadiyadda loo qaadayo.
SHABAKADA BAARGAAL.NET
Isha wararka horumarka calbari