
Shabakadda BAARGAAL.NET. ayaa qiimeynteeda shakhsiga sanadka waxay sanadkan 2015 u aqoonsatay Madaxwaynaha Dawlad Goboleedka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe ) oo sanadkan Barlamaanka Dawlad Goboleedka Jubbaland si aqlabiyad ah dib ugu doorteen inuu sii ahaado madawaynaha Dawlad goboleedka Jubbaland sanadaha soo socda.
Waxyaabaha lagu xasuusto aadkana loogu qadariyo Madaxwaynaha Dawlad Goboleedka soomaaliyeed ee Jubaland mudane axmad maxamed islaam waxaa kamid ah halgan Ballaarn oo uu u galay sidii degaanada Jubbooyinka looga sifayn lahaa ururka alshabaab amniga iyo kala danbayntana loo xoojin lahaa taas oo uu si wayn ugu guulaystay.
Sidoo kale madaxwayne axmad Modoobe ayaa maamulkiisu xiriir fiican la sameeyay maamulada kale ee dalka ka jira iyo dawladaha deriska ah ayadoo xafladihii caleema saarkiisa iyo caleema saarkii barlamaamka jubbaland ay ka soo qayb galeen Madaxweynaha soomaaliya, wasiirka arimaha dibadda Kenya, Wasiirka arimaha dibadda Itoobiya, Wakiilka IGAD ee Soomaaliya, Wakiilo ka socda Qaramada Midoobey , madaxda maamulada kale wuxuu madaxwayne axmad madoobe jubbaland ku xiray deeq bixiyayaal caalami ah oo ka caawiya dib u dhiska dalka sida bankiga Islaamka iyo Dowladdda Imaaraadka.
Sidoo kale waxaa uu madaxwayne axmad maxamed islaam kaalin wayn ka qaatay shirarkii hiigsiga ee looga hadlayay xaaladaha dalkeena iyo halka aynu u soco, iyadoo dad badan ay qireen marka la isugu yimaado fagaarayaasha looga hadlayo arrimaha Soomaaliya in Madaxweyne Axmed Madoobe uu yahay hoggaamiyaha kaliya ee mar walba ka hadla xaaaladaha gaarka ah ee dalka haddii ay tahay siyaasad iyo arrimo kaleba.
Ugu dambayn Dagaalkii galkacyo ka qarxay oo sababay dhimasho, dhaawac, barakac iyo burbur , ayaa waxaa madaxwayne axmad madoobe lagu tilmaamay hogaamiyihi nanada galkacyo asagoo door wayn ka qaatay damintii dagaalka iyo soo afjariddiisa asagoon marna ka daalin isu soo dhowaynta labada dhinac iyo sidii loo heli lahaa heshiis kama danbays ah oo soo afjara colaada.
sidaas awgeed ayaa shabakada BAARGAAL.NET waxay u xulatay in Madaxwaynaha Dawlad Goboleedka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe ) uu noqdo Shakhsiga Sanadka 2015 ee Shabakada BAARGAAL.NET Xulato.
Shabakada BAARGAAL.NET ayaa Horay sanadkii 2014 u dooratay shakhsiga sanadka Wasiirka wasaarada horumarinta Haweenka iyo arimaha qoyska puntland murwo Aniso C/qaadir Xaaji Muumin sanadkii ka horeeyay ee 2013 waxay shabakada BAARGAAL.NET shaqsiga sanadkaas u dooratay wasiirkii wasaarada horumarinta adeega bulshada dawlada Soomaaliya Drs. Maryan Qaasim oo door wayn ka qaadatay barnaamajkii "aada iskuulada" , sanadkii ka horeeyay ee 2012 waxay shabakada Baargaal.Net Shaqsiga sanadkaasi u dooratay madaxwaynaha Dawlada Deegaanka Soomaalida ethiopia mudane Cabdi maxamuud Cumar iley horumarka uu Deegaankiisa iyo dadkiisa gaarsiiyay
Fikirkiina iyo aragtidiina waan soo dhawaynaynaa
SHABAKADA BAARGAAL.NET
Isha wararka Horumarka deegaanada calbari
Nagala soo xiriir : Baargaal@gmail.com