Wararka ka imanaya magaalada Kismaayo ayaa ku warramaya in Madaxweynaha dawlad gobaleedka Jubbaland Madaxweyne Axmed Madoobe uu kulan ballaaran shalay qasriga madaxtooyada kula yeeshay nabadoonada beelahaha hartiga ee Jubooyinka.
kulankan ayaa waxa uu madaxweynuhu xog waraysi kala yeeshay nabadoonada arrimo la xiriiro dhaqanka iyo magacaabista suldaanka guud ee beelaha hartiga Juboobyinka .
Wararku waxa ay intaa ku darayaan in madaxweynahu uu sheegay in maamulka Jubbaland uu xushmad dheeraad u hayo arrimaha dhaqanka taas oo qayb weyn ka qaadatay isku duubnida iyo midowga reer Jubbaland ,isagaoo sheegay arrintan la siyaasadeeday ayna tahay in dhaqanka iyo
siyaasada la kala saaro isaga oo intaa kudaray inarrintan ay isaga u
taalo uuna si dhaqso u dhamaynayo
Kulankan kadib markii uu dhamaaday ayaa waxa ay nabadoonada Hartiga ay
sheegeen in madaxweyne Axmed Madoobi qadarin iyo xushmad dheer uu siiyay ,iyagaoo ku wargeliyay hartiga ku nool gudaha iyo dibedaba in ay wax wanaagsan ka filan doonaan madaxweynaha
SHABAKADA BAARGAAL.NET
Isha wararka horumarka deegaanada calbari