Ka dib dib u dhis iyo dayac tir ka socday Garoonka Diyaaradaha ee Magaaladda Bossaso Mudo Ku dhow Sanad, Diyaaradii koowaad oo ah nooca xamuulka ee waa wayn ayaa la filayaa inay soo caga dhigato garoonka 1-da January.
Diyaaradan oo laga leeyahay dalka China ayaa noqon doonto duulimaadkii koowaad iyadoo isla maalinkaas uu xariga ka jari doono Madaxwaynaha Dowladda Puntland Proff Cabdiweli MaxamedCali Gaas.
Garoonka ayaa loo dhisay run-way ama laami dheerar kiisu yahay 2400 mitir oo diyaaradaha waawaym ay kusoo dagi karaan.
Diyaaradan ayaa qaadi doonta Shaqaalaha shirkadda gacanta ku haysa dhismaha Airport-ka ee CCECC oo mudo fasax ah kusoo qaadan doono dalkooda.
Sidoo kale Shirkadda CCECC ayaa la lagu wadaa inay sanadka 2016 garoonka ku darto laami dheerar kiisu yahya 1000 mitir ama 1-Km iyo Terminaal Caalami ah.
Garoonkan ayaa noqon doona garoonkii koowaad ee caalami ah ee ka hirgalay Puntland
BAARGAAL.NET
Isha wararka horumarka calbari
Baargaal@gmail.com
Isha wararka horumarka calbari
Baargaal@gmail.com