Wiilkii yara ee Lagu Qashay Duleedka laascaanood Oo Dhintay iyo Aabaha Dhalay Oo Ka Hadlay?

saanu halkan idin ku soo gudbinay Deegaan lagu magacaabo Dabataag oo magaalada Laascaanood ee gobolka Sool u jira 48 KM ayaa toddobaadkan lagu gowracay oo dhaawac la gaarsiiyay ilmo yar oo jira sadex sano.

Maxamuud Yuusuf Xasan, oo ah aabaha dhalay wiilkaasi oo la hadlay idaacadda VOA ayaa sheegay in wiilkiisu uu dhaawicii gowracaasi ka soo gaaray ugu dhintay cusbitaal ku yaalla magaalada Hargeysa.

Waxaanu sheegay in Baadi goob ay ku jiraan dadka degaanku sidii loo soo heli lahaa qofkii ka dambeeyey falkaasi, waxaanu yiri

"Ilmahayga waxaa laga qaatay ardaaga gurigayga, guryaha baadiyaha waxaa loo sameeyaa ardaa hore, ardaagaas ayaanu qofku ilmaha ka qaatay.

Gabadhii yarayd ee ilmaha ilaalinaysay, waxay tiri ilmuhu saddex jir ayuu ahaa oo marka uu ka farro-baxsadaba dhirbaaxo iyo garaacis ayuubku leg-dayay.

Anigu weli meeshaydii ayaan iska deganahay, dhacdaduna waxay ahayd saddex maalmood ka hor ayay ahayd arrintu."

Aabaha dhalay ilmahan la gawracay waxa kale oo uu sheegay in markii dhacdadaasi kadib la is-waraystay in la ogaaday in wiilkiisu uu yahay ilmihii saddexaad ee sidan oo kale loo gawracay.

"Degaanka daba-taag haddii la is-waraystay waxaa la ogaaday in ilmahani uu yahay kii saddexaad, isaga maahee wax kale oo nolo loogu yimid ma jirin. Laba ilmood oo ka horeeyay ayaa degaankani lagu cunay, oo labadiiba dhiiga inta laga dhamaystay la isaga tegay.

Ugu dambayn Maxamuud Xasan oo la waydiiyay waxa uu ka codsanayo ummadda Soomaalida ah, waxa uu yiri

"Horta ILLAAHAY ayaa wax caawiya, hase yeeshee caawimo anigu waxaan u baahanahay cadawgaa arladda jooga, cadawgaa sidii wax looga qaban lahaa ayaan ummadda ka codsanayaa."

Shabakada baargaal.net
isha wararka horumarka calbari
Developed by Jago Desain