القائمة الرئيسية

الصفحات

XOG : Hub lagu qabtay Dekeda Magaalada Muqdisho

Waxaa maanta Dekeda Magaalada Muqdisho lagu qabtay hub iyo dareyska Ciidamada Dowladda Somaliya, oo ganacsato ay kala soo degtay Dekeda.

Ciidamada Booliska ee ka hawlgala Dekeda Magaalada Muqdisho, ayaa waxay xabsiga dhigeen xubno ka tirsan ganacsatada Gobolka Banaadir, halka kuwo kalana lagu raad jooggo.

Hubka iyo dareyska la qabtay oo ku jiray kunteenar, ayaa waxaa la wareegay Ciidamada Booliska, waxaana socdo baaritaano la xiriira halkii lagu waday.

Ilo wareedyo, ayaa xaqiijinaaya in kunteenarkaasi laga helay qoriga garbaha laga tuuro ee sabanka/baasuukaha, waxaana shaki laga muujinayaa in loo adeegsan rabay weerar ka dhan ah Dekeda.

Ciidamada Dowladda, ayaa Axadii adkeeyay ammaanka Dekeda iyo Xarunt School Polizio, xilligaa ooMagaalada Muqdisho looga dabaaldegaayay sanad guuradii 72-aad ee ka soo wareegatay aas aaska Ciidanka Booliska
Somaliyeed.

Ururka Al Shabaab oo dagaal kula jira Dowladda Somaliya, ayaa adeegsada dareyska Ciidamada Qalabka Sida Somaliya, kolka ay gaysanayaan weerarada abaabulan.

Muqdisho waxaa mararka qaarkood weerarada ka gaysta rag ka tirsan Ururka Al Shabaab, oo xiran tuutaha Ciidamada Dowladda, waxaana lagu fashilmaa ka hortagga weeraradaasi.

SHABAKADA BAARGAAL.NET
isha wararka horumarka calbari