القائمة الرئيسية

الصفحات

Ballaarinta Dekedda Magaalada Boosaaso Oo Bilaabanaysa Bisha ....

Wasiirka wasaaradda dekedaha, gaadiidka badda iyo ladagaalanka Burcad badeeda ee dowladda Puntland Cabdullaahi Jaamac Saalax, ayaa shaaca ka qaaday in bishaan uu ay bilaabi doonaan ballaarin lagu samaynayo dekeda magaalada Boosaaso.

Wasiir Cabdullaahi Jaamac Saalax ayaa sheegay in ilaa 300 boqol oo mitir oo dayactir ah lagu samayn doono dekeda magaalada Boosaaso, si dowladdu kor ugu qaado baaxadda dekeda oo ah isha ugu muhiimsan ee dhaqaalaha Puntland.

Wasiirka ayaa hadalkaani ka sheegay shirka laxisaabtanka Hay’adaha dowliga ah iyo xukuumadda dowladda Puntland oo shacabka loogu soobandhigayo waxqabadka dowladda iyo qorshayaasha sanadka cusub ee 2016.

BAARGAAL.NET
isha wararka Horumarka Calbari
Baargaal@gmail.com