القائمة الرئيسية

الصفحات

Dagaal ka dhacay Agagaarka Degmada Waaciye ee Gobolka Karkaar

Wararkii ugu Dameeyey ee naga soo gaaray deegaanka Xangay ee Degmada Waaciye ayaa sheegaya in dagaal Koobani uu halkaasi ka dhacay maanta ,dagaalkaas oo dhexmaray labo Ciidan oo kasoo kala jeeda Degmooyinka Waaciye iyo Qardho,isla markaasina ku muran deegaanka Xangay.

Dagaalkan oo ahaa Mid la isku adeegsaday hubka noocyadiisa kala duwan ayaa laga dareemay deegaanka Laamiga ku teedsan,iyadoona dhawaqa rasaasta labada dhinac laga maqlay dhulka Miyiga iyo weliba Magaalada Dalweyn oo kaabiga ku heysta deegaanka Xangay ee dagaalku ka dhacay.

dagaalkan ayaan sababin wax khasaare nafeed ah,iyadoona intii uu dagaalku socday ay halkaasi soo gaareen Wafdi ka Socda Dowlada Puntland oo ay hogaaminayeen Wasiirada Amniga iyo Arimaha Gudaha iyo Dowladaha Hoose ee Dowlada Puntland.

Wafdigan ayaa waxaa Barbar Socday Ciidamo ay Dowladu soo dirtay,kuwaas oo loo qorsheeyey in lakala dhex dhigo labada Ciidan ee Xangay isku Horfadhiya.

Wafdiga Labada Wasiir ayaa iminka kulamo la leh Cuqaasha iyo Waxgaradka Magaalada Dalweyn,iyagoona kala xaajoonaya sidii lagu joojin lahaa dagaalka Xangay,isla markaasina xal buuxa looga gaari lahaa.


SHABAKADA BAARGAAL.NET
isha wararka Horumarka Deegaanada Calbari
Baargaal@gmail.com