Madaxwaynaha Dawladda Puntland Dr. Cabdiwali Maxamed Gaas,
Madaxwaynaha Dawladda Federaalka ah ee Soomaaliya mudane xasan sheekh
maxamuud iyo safiirada Dalalka Talyaaniga iyo Shiinaha ayaa si wada
jira xariga uga jaray Garoonka Diyaaradaha Boosaaso, iyadoona xarig
jar kadib ay kormeer bilaabeen.
Garoonka Boosaaso ayaa xariga looga jaray magaciisii hore ee Boosaaso International Airport, waxaana taasi ay meesha ka saartay warar maalmahaan la isla dhex marayay oo sheegayay in Garoonka magaca laga badlayo.
Haatan waxa socda korumeerka ay wadaan Madaxwaynaha Soomaaliya iyo Madaxda ugu saraysa Puntland, kaas oo ku aadan qaybaha uu ka koobanyahay Garoonka Boosaaso oo loo dhisay hab caalami ah.
Munaasabada ayaa sidoo kale waxaa goobjog ka ahaa hogaamiyaasha maamulada Galmudug Jubbaland iyo wufuud caalami ah sida Saraakiil ka socota dowlada maalgelisay ee Shiinaha.
Shalay ayaa diyaaradii ugu horeeysay waxay ka degtay garoonka Diyaaradaha magalada Boosaaso oo waday ganacsato iyo masuuliyiin badan
waxaa kale oo ka soo degtay diyaaradii uu saarnaa Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.
Shabakada Baargaal.net
isha wararka horumarka calbari