القائمة الرئيسية

الصفحات

DEGDEG: Shirkii Kismaayo oo markale dib u dhacay maanta iyo Kulamo Xasaasi ah oo dhexmaraya Puntland, Galmudug, Jubbaland iyo Koonfur Galbeed

Wariyaasha ku sugan magaalada Kismaayo ayaa soo tabiyey in sida muuqata maanta uusan suuragal aheyn furmida Shirkii looga tashanayay Nooca doorasho ee ka dhacaysa Soomaaliya sanadka dambe, iyadoo ay inta badan magaalada joogaan Hogaamiyaasha Siyaasada Soomaaliya, balse Madaxweyne Xassan Sheekh iyo Gudoomiyaha baarlamaanka Faderaalka ayaa ka maqan magaalada Kismaayo.

Ujeedada maqnaanshahooda ayaa lagu shegay in ay dhawaan soo gaari doonaan magaalada, gaar ahaana galinka dambe ee Isniinta maanta ah, sida ay sheegayaan wararka laga helayo Aqalka Madaxtooyada Soomaaliya.

Warar ayaa sheegaya in Gudoomiyaha Baarlamaanku diidan yahay ka qeybgalka Shirka Kismaayo, maadaama ay martigalinayso Jubbaland, oo uusan xariir fiican kala dhaxeyn Gudoomiyaha, maadaama uu horay marar badan uga hor yimid horumarkeeda.

Wasiirka Arrimaha gudaha Jubbaland Jeneraal Maxamed Warsame Darwiish ayaa saxaafada u sheegay in ay suuragal tahay in uusan qabsoomin maanta shirku, wuxuuna sheegay in Hogaanka Siyaasadu is arki doonaan maanta si gooni gooni ah.

Warar kale oo aan helnay ayaa cadeynaya in uu jiro Shir gaar ah oo u furmi doona Madaxweynaha dawladda Puntland Abdiwali Max’ed Ali Gaas iyo Hogaamiyaha Galmudug Cabdikariim Xassan Guuleed, iyadoo uu shirkaas qabanqaabadiisa leeyahay Hogaamiyaha maamulka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe), horeyna ay dhinacyadu u aqbaleen talo soo jeedintaas.

Sidaas oo kale Ra’iisulwasaare Sharmaake ayaa lafilayaa in uu is aragsiiyo Madaxweynaha Jubbaland, Madaxweynaha Koonfur Galbeed iyo Madaxweynaha Puntland oo ku kala aragti duwan nooca doorasho ee laga filayo Soomaaliya sanadkan gudihiisa.

BAARGAAL.NET
Isha wararka Horumarka Calbari