القائمة الرئيسية

الصفحات

Lionel Messi Oo Markii Shanaad Ku Guulaystay Abaal Marinta FIFA Ballon d’Or-ka Ee Xidiga Aduunka Ugu Fiican

Lionel Messi ayaa rikoor cusub ku dhigay ku guulaysiga abaal marinta kubbada cagta ugu qaaligasan ee FIFA Ballon d'Or-ka ee xidiga aduunka ugu fiican, waana markii shanaad ee uu Messi ku guulaystay abaal marinta FIFA Ballon d'Or 2015 ee isaga oo abaal marintan kaga adkaaday ciyaartooydaCristiano Ronaldo iyo Neymar JR oo la tartamayay.

Xidiga afarta jeer ee xiriirka ah hore ugu soo guulaystay FIFA Ballons d'Or-ka ee Lionel Messi ayaa markiisii shanaad hantiyay abaal marinta shaqsiga ah kadib markii uu soo qaatay sanad cajiib ah oo uu kooxda Barcelona ka soo caawiyay saddexdii koob ee ay xili ciyaareedkii hore u tartamaysay iyo waliba laba koob oo ay xili ciyaareedkan kugulaysatay.

Wuxuuna Messi kooxdiida Barca ka caawiyay in ay ku guulaysato koobabka kala ah La Liga, Copa Del Rey, Champions Leaque-ga halka uu xili ciyaareedkana horseed ka ahaa in Barca ay ku guulaysato UEFA Super Cup iyokoobka kooxaha aduunka ee Club World Cup-ka.

BAARGAAL.NET