القائمة الرئيسية

الصفحات

Maamulka Puntland wuxuu ku eedeeyey in saraakiil hore ay Boosaaso ka wadaan amni xumo iyagoo urursaday maleeshiyaad.

Dawladda Puntland ayaa soo saartay amaro ah in aan waxba hub ah lagu dhex qaadan karin magaalada Boosaaso, isla markaasna ay dawladdu gacan bir ah ku qaban doonto cid kasta oo isku deyda in ay falal amaan daro ka sameyso magaalada Boosaaso.

Cabdi Xirsi Cali Qarjab oo ah Wasiirka wasaaradda Amniga Dowladda Puntland ayaa sheegay in ka dowlad ahaan ay iyagu leeyihiin in ay soo saaraan digniino kama dabeys iyagoo si guud ah ugu tilmaamaya shacabka cidkasta oo amaan xumi ka wadda gobolka.

Wasiirku waxa uu sheegay in qofka maanta dhibaatada ka shaqeynaya uu ugala dhigan yahay kan buurta saaran ee ay dowladdu dagaalka kula jirto hadii uu ahaan lahaa nin horey masuul u soo ahaa, iyo mid doonaya in uu hadda xil ku raadiyo wada qaldan labadaba, muwaadinkastana xaq loogu leeyahay in la iska qabto hadii uu wado falal aan amniga u wanaagsaneyn.
SHABAKADA BAARGAAL.NET
isha wararka Horumarka Deegaanada Calbari
email:Baargaal@gmail.com