Waxaa Magaalada garoowe ee Xarunta Dawlada Puntland Maanta oo Sabti ah lagu wadaa inuu ka dhaco Kulanka la Xisaabtanka Golaha Xukuumada Puntland iyo Madaxweynaha.
Kulanka ayaa lagu wadaa in u goob jog ka ahaado Madaxweynaha Dawlada Puntland C/weli MaxamedCali Gaas iyo ku xigeenkiisa.
Kulanka ayaa socon doona Afar Maalin oo ka bilaabaneyso Maanta oo Sabti ah ilaa Talaadada ah.
Kulanka ayaa intii uu socdo waxaa lagu soo bandhigi doonaan waxyaabihii u qabsoomay Golaha Wasiirada Puntland sanadki hore ee 2015.
Sidoo kale Kulanka ayaa inta uu socdo waxaa lagu soo
bandhigayaan qorshaha sanadka 2016 ee Wasiirada Dawlada Puntland.
SHABAKADA BAARGAAL.NET
Isha wararka horumarka Calbari