القائمة الرئيسية

الصفحات

Madaxweyne Gaas iyo waftigisii oo u dhoofay Kismaayo

Madaxweynaha dowladda Puntland Dr Cabdiweli Maxamed Cali Gaas iyo wafti ballaaran oo uu hogaaminayo ayaa saaka ka dhoofay garoonka diyaaradaha ee magaalada Boosaaso, si ay uga qaybgalaan shirka wadatashiga doorashooyinka Soomaaliya.

Waftiga uu hogaaminayo madaxweynaha dowladda Puntland oo ka kooban golayaasha dowladdaayaa waxa ay ka qaybgeli doonaan shirka lagu go'aaminayo qaabka Baarlamaanka danbe ee ay Soomaaliya yeelan doonto lagu soo xuli doonoha noqdo habka deegaanka ama 4.5

Madasha wadahadalka doorashooyinka oo maanta inuu furmo loo balansanaa,ayaa dib u dhacday hal maalin,waxayna furmaysaa maalinka Beri ah sida la qorsheeyay,Madashaas ayaa waxaa laga sugayaaa go'aanka ugu danbeeya ee ku aadan qaabka lagu soo xuli doono Baarlamaanka Soomaaliya ee bedeli doono midka xilligaan jira soona dooran doona madaxweynaha cusub ee Soomaaliya dhammaadka sanadkan.

Sidoo kale waftiga Madaxweynaha Dawlada Puntland ayaa la filayaa in ay manta kismaayo kula kulmaan waftiga uu hogaaminayo cabdikariin Guuleed hogaamiyaha Maamulka Cadaado iyadoo ay kawada hadli doonaan sidii lo sii xoojin lahaa Nabdii laga gaaray colaadii kal hore Galkacyo ka dhacday.

Madaxweyne ku xigeenka DowladdaPuntland iyo xubno ka tirsan labada gole ee Dawladda Puntland ayaa Madaxweynaha iyo wafdigiisa ku sagootiyey Garoonka diyaaradaha Boosaaso, halkaas oo ay ka qaadday diyaaradda gaynaysa Magaalada Kismaayo saacadaha soo socda.

Shabakada baargaal.net
isha wararka horumarka calbari