القائمة الرئيسية

الصفحات

Madaxweyne Gaas oo kulan la qaatay qaar ka mid ah waxgaradka iyo odayaasha Gobolka Bari

waxaaa magaala madaxda gobolka bari ee boosaaso xalay ilaa shalay ka dhacay shir ballaaran oo dhexmaray Madaxwaynaha Puntland Dr. Cabdiwali Maxamed Cali Gaas iyo Gudi Beelaha Bari ay soo xusheen oo Madaxwaynaha kala shiraya arrimaha Jira.

Madaxwaynaha Puntland ayaa dhagaystay Arrimaha ay beeluhu ka cabanayaan, waxaana ay sheegeen inay wadahal ogalyihiin arrimaha Xukuumadda ee ay ka cabanayaan ay soo gudbinayaan.

Madaxwaynaha Puntland ayaa odayaasha ka codsaday in Arrimaha wada hadlaka ay ugu kaadiyaan tan iyo inta uu kasoo noqonayo Safarka Muqdisho oo uu uga qaybgalayo shirka looga hadlayo hananaka lagu soo xulayo Baarlamaanka Dawladda Federaalka ah ee Soomaaliya.

Gudiga ayaa Madaxwaynaha u sheegay inay sugayaan, waxaana ay sheegeen inay aad uga cabanyaan habka magacaabista Saraakiisha Gobolka iyo xubnaha Dawliga ah.

Ugu dambayntii cabashooyinka ay odayaasha gobolka bari soo jeediyeen waxaa ka mid ahaa Qandaraasyo si khaldan loo maamulay oo ay ku guulaysteen sida la sheegay Shirkado Madaxtooyada ka agdhow.

SHABAKADA BAARGAAL.NET
Isha wararka horumarka deegaanada calbari