Madaxweynaha Dowladda Fadaraalka Soomaaliya Xasan Shiikh Maxamuud iyo wafti uu hogaaminyo ayaa bari la filayaa inay yimaadaan Puntland,waxaana uu ku wajahn yahay magaalada Bosaso.
Xasan Shiikh ayaa bosaso u tagaya inuu ka qayb galo furitaanka Garoonka Bosaso iyo sanad guuradii labaad ee madaxweyne Gaas markuu madaxweynaha noqday oo 8 January ku beegan.
Madaxweynaha ayaa kasoo tagaya Garoonka Magaalada Qardho ee xarunta gobolka Kar kaar,halkaas oo uu uga sii gudbi doono magaalada Bosaso.
Wafuud badan ayaa kusugan Bosaso, kuwaas oo dhamaantood ka qayb gali doono labada munaasabadood,Bosaso ayaa laga dareemaya qaban qaabada munaasabadaha.
SHBAKADA BAARGAAL.NET
ISha wararka Horumarka Calbari