القائمة الرئيسية

الصفحات

Mudaharaad Looga soo Horjeedo Magacbixinta Airport-ka Boosaaso oo Maanta Bosaaso ka dhacay ( Sawiro)

Waxa Gelinkii Hore ee maanta ka dhacay Magaalada Bosaaso ee Xarunta Ganacsiga Puntland Mudaaharaad Ballaaran oo looga soo Horjeedo Magacbixinta Airport-ka Magaalada Boosaaso oo Barri si rasmi ah loo furaayo

Mudaharaadka oo sababay dhaawaca labo qof ayaa ka dhacay agagaarka Shirkadii hore ee Netco,xili uu Madaxweynaha Puntland uu halkaasi marayay.

Shacab Caraysan ayaa Madaxweyne Gaas weerar ku qaaday,iyagoona dhagxaan ku jaray Wadadii uu marayay,xili uu kusii jeeday Garoonka Diyaaradaha ee Magaalada Bosaaso oo Wufuud Caalami ahi ay kasoo degaysay.

Sidoo kale waxay Jidadka Madaxweynuhu mari lahaa ay ku gubeen Taayiyo,iyadoona markii dame uu halkaasi gacan ka hadal u dhaxeeya ciidamada ilaalada Madaxweynaha iyo Shacabkii Caraysnaa uu ka dhacay.

Gacan ka hadalkaas ayaa waxa ku dhaawacmay labo qof oo shacab ah

Mudaaharaadkan ayaa la Xariira hadal uu Madaxweynuhu shalay ka yiri Magaalada Waaciye,xili uu halkaas oo Booqasho ku yimid iyo Weliba Magac Bixinta Garoonka Diyaaradaha ee Magaalada Bosaaso oo Magac Bixintiisa uu Madaxweynuhu Mugdi Geliyey.

Isku soo Wada Duubo Mudahaaraadkan ayaa kusoo beegmay xili ay Magaalada Bosaaso ku sugan yihiin,Wufuud Caalami ah,kuwaas oo ka qeybgallaya Furitaanka Garoonka Diyaaradaha ee Magaalada Bosaaso oo Maalinimada beri ah Xariga laga jari doono.







SHBAKADA BAARGAAL.NET
ISha wararka Horumarka Deegaanda Calbari