القائمة الرئيسية

الصفحات

Sawiro: Wasiirka Haweenka iyo Horumarinta Qoyska Puntland oo Booqatay Iskuul Danyarta wax Lagu Baro oo Magaalada Boosaaso Ku yaal

Wasiirka haweenka iyo horumarinta arrimaha bulsahda Puntland Anisa Cabdiqaadir Xaaji Muumin ayaa maanta booqatay iskuul danyarta wax lagu baro oo ku yaala gudaha magalada Bosaso.

Iskuulkan oo ah mid aad u dayacan ayaa waxaa dhigta dad gaaraya 300 oo qof oo isagu jira haween iyo carruur kuwaaso qaarkood ay ka mid yihiin dad kasoo cararay dalka Yaman, waxay codsadeen in laga caawiyo dhanka horumarinta goobta ay wax ku bartaan, taasoo ah mid aan lahayn kuraas,miisas, waxayna ka samaysan tahay xaruntan cooshad iyo qoryo la isku xiran.

Ururka Hoodo oo ay madax u tahay Faadumo Diiriye Jaamac ayaa xaruntan gacanta ku haysa, waxayna sheegtay in dadkan oo isagu jiro kuwo danyar ah iyo kuwo kasoo cararay dagaalada Yeman ay u baahan yihiin in la garab istaago oo loo dhiso Iskuul hagaagsan si ay usii wataan waxbarashadooda waxa kale ay muujiyeen inay aad ugu baahan yihiin caawinaad deg deg ah.

Aniso Xaaji Muumin oo booqatay xaruntan isla markasna mudo ku sugnayd ayaa sheegtay inay aad uga naxday goobta ay dadkan wax ku bartaan waxa kale ay caalamka gaar ahaan hay’addaha caawinaada ugu baaqday inay dadkan ka caawiyan sidii ay u heli lahaayeen dhaqaale lagu dhiso iskuulka, wasiirka ayaa dhanka kale sheegtay wasarada haweenka inay sii wadi doonto qareemida iskuulkan oo garab istaag u baahan.

Qaar ka mid ah Haweenka dhigta iskuulkan ayaa sheegay in mudo badan uu furan yahay balse wax caawinaad ah aysan helin, waxa kale ay sheegeen inay aad ugu qanacsan yihiin inay sii wadataan waxbarashadooda.

4

12 35
IMG-20160124-WA0024

IMG-20160124-WA0023

IMG-20160124-WA0022

IMG-20160124-WA0021
IMG-20160124-WA0020