القائمة الرئيسية

الصفحات

Shaqaalaha Dawladda Hoose ee Boosaaso oo dibu habeyn lagu sameynayo

Kulan lagu qiimeynayay Shaqaalaha Dowladda hoose ee Boosaaso ayaa maanta lagu qabtay xarunta dowladda hoose ee magaalada Boosaaso xarunta ganacsiga Dowladda Puntland.

Kulankani ayaa waxa uu diiradda saarayaa wax ka ogaanshaha shaqaalaha diwaanka gashan iyo kuwa aan document-gooda saxda ah aan la haynin.

Waxaa Qiimeyntan horkacayay gudi madax banaan oo loo saaray qimaynta shaqalaha dowladaha hosse ee Puntland waxaa qimayn ay ku samayeen shaqalaha dowlada hosse ee bosaso.

Kulanka ayaa waxaa goobjoog ahaa wasiirka wasarada arimaha gudaha Puntland Axmed Cilmi cismaan Karaash maamulka gobolka Bari kan degmada Boosaaso, xilibanada golaha degmada Boosaaso iyo marti sharaf kale.

Gudiga ayaa soo saaray qodobo badan oo xal logu heli karo shaqalaha dowladda hosse waxaana ay tilmaameen in qimayntii ay sameyeen iyo waxa u soo baxay ay yihiin kuwo wax badan ka bedelaya habka shaqada.

Maxamed Faarax Cisse Gashaan oo gudomiye u ah guddiga madaxa banaan ee qiimaynayaay shaqalaha dowlada hosse ayaa sheegay in gudigooda ay ku wada dhawaaqeen wasiirada Arimaha gudaha iyo shaqaalaha Dowladda Puntland, islamarkaana loo xilsaaray sidii ay wax uga bedeli lahaayeen habka shaqada dowladaha hoose ee Puntland maadaama ay isbedello ku sameeysay wasaaradda arimaha gudaha dowladaha hoose ee degmooyinka.

Wasiirka wasarada arimaha gudaha dowladaha hoose iyo hormarinta reer miyiga mudane Axmed Cilmi Cismaan Karaash ayaa shegay qimayntani ay tahay mid lagu kala xulayo shaqalaha dowlada hoose ee saxda ah iyo kuwa aan laheyn sharciga buuxa ee shaqada.

SHABAKADA BAARGAAL.NET
isha wararka Horumarka Calbari