Hogaamiyaasha Siyaasadeed ee Soomaaliya ayaa maanta shir xasaasi ah uga furmi doona Gurri aad loo qurxiyey oo kuyaala gudaha magaalada Kismaayo ee Jubbaland, waxaana go’aan kama dambeys ah laga gaarayaa habka ay noqonayso doorashada laga filayo Soomaaliya in ay ka dhacdo 7 bilood ka dib, taas oo hadal heynteedu ahayd waxyaabihii ugu dambeeyey ee mudo sanad ah lagu mashquulsanaa.
Inta badan Hogaanka Siyaasada dalka ayaa halkan Kismaayo jooga, waxa ayna xooga saarayaan qolo kasta sidii ay ku guuleysan lahayd, iyadoo mid kastaa uu doonayo in aragtidiisu noqoto mida laga qaato madashan.
Dhinacyada ayaa kala aragti duwanaa shirkii hore, balse kan hadda ayaa u muuqda in ay jiraan Is xulufeysi dhinacyada qaarkood goor horeba ka dhex muuqatay.
Safarkii Madaxweynaha Jubbaland Axmed Maxamed Islaam ku tagey Cadaado iyo Booqashadii Gudoomiyaha baarlamaanka ee Dhuusa-Mareeb ayaa bedeshay jawiga wada hadalada Kismaayo, waxaana Madaxweynaha Galmudug la xaqiijiyey in uu hada raacsan yahay Nidaamka deegaanka in wax lagu soo doorto, taas oo ka dhigan in ay suuragal tahay in la qaato habka deegaanka.
Hogaamiyaha Koonfur Galbeed iyo Madaxweynaha dawladda Faderaalka Xassan Sheekh Maxamuud ayaa la rumeysan yahay in ay hada ku dhagan yihiin oo wali ku adkeysanayaan go’aankooda ah in Hab beeleedka wax lagu qeybsado ayna ku yimaadaan baarlamaanka imaanaya Bisha Augosto, laakiin taasi waa suuragal in ilaa berri xal kama dambeys ah laga gaaro.
Shirka Kismaayo ayaa wax badan uga duwan kii Muqdisho oo horey fashil ugu dhamaadey, waxaana aan lagu kala tagi doonin ilaa xal kama dambeys ah laga gaaro, waxaana suuragal aheyn in qolo laga guuleysto, balse meel dhexe ayay rajada ugu badan tahay.
SHBAKADA BAARGAAL.NET
isha wararka Horumarka Calbari
Baargaal@gmail.com