القائمة الرئيسية

الصفحات

Waxa sababay qalalaasaha Boosaaso oo la ogaaday iyo Wasiir ka tirsan Puntland oo ka hadlay

Magaalada Boosaaso ee Gobolka Bari waxaa Maalmihii  ugu danbeeyay ka taagnaa fawdo iyo warqado digniino ah oo lagu daadiyay qeybo ka mid ah magaalada Boosaaso.

Arrinta ayaa ka dambeysay ka dib markii beelo ka mid ah kuwa ku Degan Puntland gaar ahaan Gobolka Bari ay dhaliileen qaabka loo qoraayo shaqaalaha Cusub ee ka shaqeynaya Garoonka Diyaaradaha Magaalada Boosaaso.

Wararka qaar ayaa sheegaya in aan shaqaale cusub haatan la qaadan doonin, isla markaana si hoose loo qorayo shaqaalaha.

Wasiirka Wasaarada duuliista Hawada iyo Garoomada ee Maamulka Puntland ayaa sheegay in ay ku dadaalayaan in ay xaliyaan cabashooyinka dadka qaar ka soo baxaya.

Waxa uu sidoo kale ka warbixiyay wasiirku sida ay u wajahayaan eedeymaha loo jeedinaayo Wasaarada iyo Maamulka Puntland


SHABAKADA BAARGAAL.NET
isha wararka Horumarka Deegaanada Calbari 
Email:Baargaal@gmail.com