waxaa si hoose u soo gaaraya warbaahinta magacyada qaar ka mid ah 11-ka xubnood ee aqalka Sare ee baarlamaanka Soomaaliya ay dawlad goboleedka Puntland ku lee dahay kuwaas oo uu madaxwaynaha Puntland Cabdiwali Maxamed Cali Gaas uu baarlamaanka Puntland u soo gudbin doono ka dibna baarlamaanku ay soo xuli doonaan.
Sida Qorshuhu ahaa 25-kii September oo shalay ku beegnayd ayuu dhigayay Jadwalka Doorashada2016-ka in la lasoo bandhigo 54-ta xubnood ee aqalka sare ee baarlamaanka soomaaliya ka dib marka ay soo gudbiyaan baarlamaanada dawlad goboleedyadu.
11-ka xubnood ee Puntland ay saamiqaybsiga ku heshay, ayaa laga rabaa puntland inay ku diyaaroso inta ka horraysa 6-da October 2016, taariikhdaas oo la soo bandhigi doono guud ahaan 54-ta xubnood ee Soomaaliyeed.
Hadaba warbaahintaoo xiriiro kala duwan la sameeyay dhinacyada ku hawlan soo xulista xubnaha aqalka sare ee Puntland ka imaanaya ayaa ogaaday in ugu yaraan 7 siyaasi oo caan ah ay mar hore beelahooda kasoo heleen kuraasta aqalka sare waxayna kala yihiin.
1. Dr. Cali Xaaji Warsame (Musharax madaxwyne 2016).
2. Dr. C/raxmaan Maxamed Maxamuud Faroole (Musharax madaxwyne 2016).
3. Dr. Cumar C/rashiid Cali Sharmaake (Musharax madaxwyne 2016).
4. Axmed Cabdi Xaabsade.
5.Cabdi Cali Ismaaciil Cabdi Giir.
7.Proff. C/risaaq Cismaan Xassan Juurile.
8. Gen. Maxamed Siciid Moorgan.
Social Plugin