القائمة الرئيسية

الصفحات

 

MACAAN IL NAXRIIS LEH IGU EEG


Anigoo kula jooga ayaan ku

tabayaa! Anigoo kula hadlayaan

kuu hiloobayaa! Ma aqaan! Ma

garanayo siday ku dhacdaye

waxaad igu beertay dareen aad

u xooggan oo aanan garanayn

qaab aan u cabbiro ama usoo

bandhigo! Haa waan kala

fognahay, isuma dhawin! Hadana

daqiiqad qudha kama baxidid

qalbiga, wuu ku xusaa, ku

xusuustaa, had iyo jeer wuu kaa

fikira kuna raaxaystaa inuu

markaa adiga diiradda ku

saarayo qalbigu.


Ma aqaan sidaan durba edegta

jacayl kuugu galay gabadhyahay!

Waxaan hubaa un inaad tahay

mucjiso la yaab leh! Inaad tahay

muuqaal qurxoon oo naftu

naawishay! Inaad tahay higsi iyo

ilays ii baxaya! Ma aqaan wax

aan kugu misaalo! Kaliya un

waxaan hubaa qof aan kugu

doorsan lahaa inuusan joogin

dunidan!


Helitaankaaguna ii

yahay farxad iyo naruuro aan

dhammaan oo wadata hididiilo

nolol farxad leh.


Haa waan ku jeclahay, ma

garanayo in aad sidoo kale tahay

iyo inkale!


Laakiin jeclaan

lahaayaa inaad qalbigayga arki

karto!


Oo daalacan karto

xusuusta iyo xiisaha kuugu

keydsan iyo kalgacalka kuugu

beeran!


Sideen idhaahdaa dareenkan I

waalay?


Sideen u maareeyaa

naftan adiga kuu xidhan? Sideen

u maamulaa maskaxdan adiga

kugu waalatay?


sideen….sidee.. su’aaluhu badan!

Subax walba waxan doonaya

inan arko fariimahaaga! Waxaan

doonayaa inaan daawado

muuqaaga lagu xardhay laabta!


Waxaan doonaya un inaan kula

hadlo!

Waxaan ahay mid ereyga

qudha ee aad ku tidhaa

qalbigiisa ku sii shidayo dhinbilo

jacayl!

Waxaan tamar ka qaataa

hadalkaaga!

Waxaan ahay naf

kuu nugul…naf ku

naawishay….naf kaa dooratay

dumarka dunida oo dhan!

Waxaad tahay hillaac ka baxaya

meel aad iiga fog!

Hadana iiga

dhow meel kasta oo ishu

qabanayso!

haa, haa…kuma hilmaami karo,

kuuma cadhoon karo wax

walbood igu samayso! Kaama

fogaan karo waayo dareen iga

awood badan baa igu kaa

nabaya!

haye….adigu….naftan sidaa kuu

jecel……eedaadka taahiyo …

aramidu u dheer tahay …..Ma

addoonsanaysaa??!!

waan ka xumahay, isma lahayn

wax badan qor laakiin sow ma

ogid inaad adigu maskaxda

maamushidba?

Anigoo ku jecel,

ku jeclaa, kuna jeclaan doona

abid intaan noolahay ayaan

waxan ku leeyahay:

Dal Fog baan ku noolahay,

Misna doonta caashaqa

Dacal baan ka saarnahay!

damqashiyo il naxariis

Igu daawo gabadhyahay!


Alle waxaan ka baryayaa inuu isu

kaaya calfo inagana dhigo kuwi

lagu hodmo oo awlaad baarri ah

kala hela nolol wacanna ku

noolaada. aamiin.


Salaama Alla!

naftii aan jeclaadaay,naruuriyo

barwaaqiyo…nabad iigu

noolow!!!!