marka hore salaan marka xiga sidee tahay..?
(hadiyad weeye qaali ah)
(ileys weeye soo baxaaya)
(hillaac weeye ifaaya)
(ugub weeye jacayl)
sooyalka dhanbaalkiyo
himiladaydu waa doog.
dulucda hadalkiyo ujeedkaygu
waa aayatiin wacan.
hal abuurkiyo jacaylkaan maanta
u hagoogtay
saadaashaydu´ onkod weeye
xiimaaya.
dayax weeye nuuraaya´aas´aas
weeye jacayl´
haduusan caashaq jirin ama aan
jacayl qabin
sidaan ahay mid jeelgalay ama
nin jujuuban
jeesjees anigoo ka caagan
jiljileec uma hadleen…….
taariiqda caalamkiyo
dhacdooyinka aduunka
horyaal weeye caanshaqu
baal aan la illaabin weeye
jacaylku
(qays)buu wadna jaroo isagoon
aduun nicin
luxudkii aaqiriyo u gelbiyey
xabaashii
(laylana)daba dhigoo kasiibay
xayaatadii
iyadoon digniin qabin´dabajaray
noloshii macaanayd..
(cali maax)baa ku caanbaxay
jacayl
iyo malabkiisii(cawrala)
jacayl buu ahaa kay la rafaadeen
mawjadihiisa laxawga badan
ilaa midkood caashaq dilay
kan kalena meel ku ooyey´
(cilmiba)dhibtuu kala kulmay
jacayl´aadmiguba ogsoon
(hodan)tuu la maray dhib iyo
hoog
uumiyaha waydii…..´
ustaadyada tacliintiyo inta
falanqaysay jacayl
way u caleema saareen inuu
salbalaaranyahay caashaqu
way sifeeyeen inuu sun yahay
jacaylku
hadaan nasiib wacaniyo
leeyahay calaf haboon
(saatiroow) (ilaahoow)
(baaqigii)na´uumaywaa adiga´e
dooqadii naftayda een dunida ka
ishaartay
wehel iiga dhig oo sawjadayda
ka yeel´
……………………………………………..
suubaneey adna hay saluugine
milicso ujeedkaygu waa diinaar
sidaan rabo ilaahay baa oge´
(wallaahi)saxar kuma tuso…..
hadimada caashaqaan la daris
ahay
sidii hirarka badwayntoo kale
hadba meel baan wajahaa
xidigahaan tira koob is iraa
duurjoogtiyo cidladaan
miciinbidaa
garaaca wadnahaygaan wehel
ka yeeshaa
siday ii muday qodaxdani kama
bogsoonwaliye
way muuqdaan nabaradii
boogta…
……………………………………………………..
tanna way ii dheertahaye
colbaan ka goostay
ehelkiyo intaan asxaab
wadaagnay
illeen jacaylku waa cadaawoo
ciil itire waa(ilaahay)…
haduu dhiigu burqanayoo
dheecaanku qubanayo
hawl wadiinadii jirkuna ay
sayrayaan hawlihii shaqo
dooqiyo rabitaankuba haday
kula duubteen
maryooleydiyo hadaan kaa
xushay aadmigii dumar
billaahi aan u maray jacayl
wadaageena
natiijadu madayraa..? murug iyo
walbahaariyo
aayatiinkaygu ma ciilbaa..?
(mawle)waa(ilaahaye)
sidaan ahay miskiin noloshaydu
ma caynkanaa……?
kaftan hadaad maleysay
qayladhantiyo dhawaqayga
cashaq
dhaaxaan dhul dhac ku sigtoo
warba adigaan iihayne´
dhaawacan i gaarayanigaa
hortaa mooday fudeeyd
sawaxankiyo cagajuglaynta
caashaqa sahal baan u haystoo
waad ka baanatay baan lahaa´´
nafsadaan jujuubayoo been u
sheeg islahaa
hayeeshee maguuraan waa
jacaylka runta´e
dib bay iisoo wajaheen
mawjadihiisawalbahaarka leh..
dabaylaha caashaqaan dhex
dabaalanayaa
hadba meel baan ku ooyaa
ilmadaydu qubataa
sidii inaan buko´ gibilku wuu
xanuunaa
asaagaygu hadayfarxad ku
cabeeyaan
anigana caloolyoow baan la
dhuuntaa.
farmuuq baan is moodaa
oogadu jiriricootaa.
fallaaraha jacaylkana iyagoo
mariid leh
wagii baryaba iyagaan la
kawsadaa
……………………………………………
xiisadihiisajacaylkana dareen
baan u hayyaa
qulqulatooyinbaan la kulmay
intaan jiray´e
duufaantiyo aaladihiisa taaha
badan
iyagan i dayne way i
dabarogayaan runtii.
durduradaan dhex lugaynaayo
iyo saxarahan´ dheeree geeridu
halis tahay´
jacayl baa i badaye(allow)sahal
muuraha…
tusmayso sida ay ii dooxeen
waramada jacaylku
laxawgiyo xanuunka caashaqa
inaan u liito awgaa.
tacabkii aan ku hoobtay iyo
halkii aan deymoonaayey
inaad adiga tahoo daajintaada
mooyee danahaygii illaabay
dadka waan lacollooboo adigaan
saaxib kula ahay…..
calamadaan lulayaayaa
(lillaahi)baanu ahay
mawduucayga maanta qadarin
baan uhayyaa
samaantiyo waanaga sadrigaan
kuhaayaa
hayeeshee siday tahay
aduunyadu
waqtigaa kala rogan
ooxiliyadaan islahayn.´
meelna surun
barwaaqiyoaroosyadoo loo
dabal dego
suuqyadaa camiran´meelna
saxarkiyo dhibtaada.
naxashka lasii wadiyo cidbay
tacsi utaal´hayeeshee
waan sasabayaa naftoo illen
saxar kama dhamaado waayaha.
ogsoonow nasiibku waa adigoo
hela naf kuu nugul
waaguul iyo billad aan lahelin
jacaylku´e
waxba yaan dhinac marin
muhiimadee
(habooneey waan ku
jeclahay)……..
gayigu wuu oomoo illeen way
ka dareen abaaruhu
macluul baa jirtee illeen ma
´aamusaan bishimuhu
xaajadu ma sahlanee gurmad
baan doonayaa
ciil baan dhex jiifaaye hiillo
makaa helayyaa..?
wax qabad iyocadaalad waalama
hurane
mayla dhadhaminaysaa
dheeftiisa jacaylka..?
waxaan kaaga fadhiyaa jawaab
farxad leh
iyo taaba galinta jacaylkeena……
allaha ku dhawro allaha kuu
danbi dhaafo
waad u saraysaadad iyo dubaag
iyo inta aan aduun kula
kulmay………