In ka badan 7 kun qof oo ka soo jeeda degaanka qanaa ee koonfurta dalka Masar, ayaa ka qaybgalay jinaasadda iyo aaska nin waayeel ah oo god ku dhex noolaa isagoo qaawan muddo ka badan 50 sannadood.
Ninkan oo geeriyooday habeennimadi Jimcaha ee toddobaadkan, ayaa la god-galay sirta ka dambaysa inuu muddadaas dheer dhulka hoostiisa ku noolaado, iskuna qariyo hogga, isla markaana aannu xiran wax dhar ah.
Mr. Maxamed Zouz oo ka mid ah dadka degan qanaa ee koonfurta Masar, ayaa sheegay in odayga geeriyooday uu godkaas ku noolaa isagoon wax maryo ah xirnayn 52 sannadood, isagoo xusay in aannu waligii arag dad tiradaas le’eg iyo haween mushxaradaya oo ku heesaya hees-dhaqameed iyo rag dhallinyaro ah oo caleemo qoyan sida si ay aaskiisa uga qaybgalaan.
Shabakadda Al-arabiya.net ayaa waraysatay qaar ka mid ah dadka tuuladaas oo wax ka waydiisay nolosha odaygan iyo sababta uu ugu noolaa godkaas isagoon wax maryo ah xirnayn. Waxa xog-raadiskaas lagu helay in magaciisa la oran jiray Jaad al-Kariim cabdiraxmaan Jaad al-kariim, isla markaana uu ka soo jeedo tuulada nagac duwayx oo taabacsan deegaanka naqaada ee waddanka Masar, balse waqtiyadii hore uu ku noolaa magaalo madaxda Masar ee Qaahira.
Waxa dadkaasi sheegeen markii uu maskaxda xannuun kaga dhacay, niyad-jab aad u badanna soo waajahay ku laabtay tuuladii uu ku noolaa, sidaa darteedna godkaas uu galay oo u dhaw meel gacan biyood ah, waxayna tilmaameen inuu quudan jiray kalluunka mar kasta, wax maryo ahna aannu xiran, halka uu habeenkii huwan jiray go’, balse dadku ma ay sheegin sababta ninkan niyad-jabka u keentay iyo waxa ku kalifay inuu godkaas galo.
Mararka qaar waxay dadku ugu tegi jireen inuu u duceeyo waana u duceen jiray sida ay sheegeen dadku, waxa kaloo ka yaabiyey dadka inuu yaqaanay dhammaan magacyada dadka tuulada oo dhan, inkastoo aannu qofna la fariisan, waxana lagu ogaaday haddii qof salaamo waxa uu ugu jawaabi jiray salaanta iyo magaca qofka oo wada socda.
Godka uu ku noolaa waxa uu ahaa mid aad u yar, mararka qaarna waxa mari jiray daadka xilliyada roobka, laakiin waligii kama uu tegin ilaa biyuhu ka qallalayaan.
Waxa kaloo ay dadka tuulada kula noolaa sheegeen in waqtiyada qaar ay soo booqan jireen qaar qaraabadiisa ka mid ah, balse hadalka kumay badin jirin, maadaama aannu jeclayn inuu cidna la hadlo.
Sidoo kale, waxa dadka aad uga yaabiyey qofna kama uu oggolaan jirin inuu sawir ka qaato, xataa hadyadaha iyo lacagta la siiyo ma aqbali jirin.
Marka uu kalluunka la soo baxo waxa uu u geysan jiray dadka xaafadda si ay ugu kariyaan, kadibna marka ay u diyaariyaan buu dib u cuni jiray.
Qaar ka mid ah odayaasha degaankaas ayaa dhakhaatiir u keenay si ay u ogaadaan xaaladdiisa, una daweeyaan, balse dhakhtar kasta waxa uu u sheegaa inuu maskax ahaan fayaw yahay, caafimaadkiisuna aad u wanaagsan yahay.