Gollaha xukuumadda dowladda Puntland ayaa falanqayn dheer ka dib asixiyay heshiis ay magaaladda Adis-ababa ku soo wada galeen Puntland iyo shirkadda dhismaha ee CCECC, kaasi oo lagu dhisayo jid laami ah oo isku xiraa Garoowe iyo Eyl iyo dhismaha garoonka diyaaradaha ee Galkacayo iyo sahmin shidaal oo ay shirkada CCECC ay ka samaynayso deegaanada Puntland.
Warmurtiyeed ka soo baxay shirkii gollaha wasiiradda ayaa sidoo kale lagu sheegay in uu madaxwaynaha Dawlada Puntland uu amar ku siiyay Golaha Xukuumada puntland in si buuxda looga wada hawlgalo Gobolka Gardafuu oo ah gobolka ugu da`da yar gobolada puntland sida warmurtiyeedka lagu sheegay
Lama garanaayo sida sy uga jawaabi doonaan wasaaradaha xukuumada puntland amarkan uga yimi madaxwaynaha puntland , xili ay wasaardahaasi aysan badankood ka hawlgalin inta laamiga ka baxan oo aysan xafiisyo iyo xarumo ku lahayn
Madaxwaynaha Dawlada Puntland Dr. C/wali maxamed cali Gaas ayaa markii uu ku guulaystay madaxtinimada dawlad goboleedka puntland ballan qaaday inuu adeegyada dawlada uu gaarsiinayo deeganda ka baxsan laamiga gaar ahaan deegaanada loo baxshay gaariwaa iyadoo intaasi wixii ka danbaysay aan la maqlin halkuu ku danbeeyay ballan qaadkaasi
AKHIRSO WARMURTIYEEDKA
SHABAKADA BAARGAAL.NET
Isha wararka horumarka Calbari
baargaal@gmail.com