Madaxweynaha Somalia ayaa kulan khaasa la qaatay Madaxda ugu sareysa dalka Imaaraadka, waxaana la xaqiijiyay in shirkooda uu yahay mid khuseeya xadgudubyada ay Imaaraadka ku heyso Somalia.
Madaxweyne Farmaajo iyo Madaxda Imaaraadka ayaa kawada hadlay Heshiiska ay la galeen Maamulada Somaliland iyo Puntland.
Farmaajo waxa uu Imaaraadka ka dalbaday inay joojiyaan Heshiisyada lala baalmaraayo dowlada Somalia, sida Heshiiska Dekadda Boosaaso iyo Berbera.
Madaxweynaha ayaa sidoo kale diiday in lasii ambaqaado Heshiiska waxa uuna Imaaraadka ka dalbaday inay dib usoo bilaabaan Heshiiska isla markaana lala galo DFS.
Dowlada Imaaraadka Carabta ayaa ka hor imaatay laba qodob oo kala ah:
1- In dib loo soo bilaabo Heshiiska Saldhiga magaalada Berbera, maadaama uu soo dhamaaday.Madaxweynaha Somalia ayaa isna ka biya diidan in Heshiiska Imaaraadka la gashay Somaliland iyo Puntland lasii wado, halka Imaaraadkuna ay dalbaneyso in laga fiirsado Heshiisyada soo socda maadaama kuwaani ay yihiin kuwo dhacay.
2- In Shirkada ka howlgali doonta Dekadda Berbera la hoos geeyo Wasaarada Dekadaha Somalia, mudada ay ku howlan tahay dhisida Dekadda.
SHABAKADA BAARGAAL.NET
isha wararaka Horumaraka Deegaanada Calbari
baargaal@gmail.com