Safiiradii Mareykanka ee Qadar oo is cashishay iyo Saxaafada Mareykanka oo Warar Xiiso Leh ka Qoray arintasi
Admin
Safiiradii Mareykanka ee Qadar ku Sugnayd aya Shaacisay in ay is cashisay Kadib War Qoraal ah oo ay soo Dhigtay Barteeda Twinterka Safiirada is casishay
Haweynayda Safiirka u ahayd Dowlada Mareykanka oo lagu magacabayay Dana Shell Smith aya ahayd Safiir dowlada mareykanka u qaabilsana Wadanka Qadar Waxana ay shegtay in ay iska cashishay xilkii ay haysay
A rintan aya soo shaac baxday wax yar un kadib markii madaxweynaha dowlada mareykanka Trump uu taageeray go,aanka ay qaateen xulufada ay horkacayan dowlada sacuudiga go,aankasi oo ah in xiriirka loo jaro dowlada qadar oo lagu edeyay in ay taageerto kooxaha argagaxisada Qoraalka ay Twintarka soo dhigtay Safiirada Shqada ka tagtay
Safiiradii Mareykanka ee Qadar Dana Shell Simth aya Sidoo kale Shegtay in mudo sadax sano ah ay ahayd Safiirada usa u joogtay Qadar Waxana ay qoraalka ay soo dhigtay ku shegtay in ay u xiisi doonto wadanka qadar oo mudo sanado ah ay ku sugnayd
Dana Shell Simth aya Twinterkeeda soo galisay Wax Yar kadib Markii Sacuudiga uu Xiirirka u Jaray Qadar Qoraaalo lagu amaanayo Dowlada Qadar iyo Sida ay ula Dagalantay Argagaxisada ASIS Waxayna Qoraaladooda ay soo cusbon
Warbaahinta Mareykanka aya Sheegtay in uu jiro arimo khilaaf u dhaxeeya haweyneyda iyo madaxweynaha mareykanka taasi oo sababtay ay is cashiso Safiirada kadib arimo ku saabsan khilaafka xulufada sacuudiga iyo dowlada qadar iyo go,aankii madaxweynaha mareykanka uu qaatay
Balse Dowlada Mareykanka oo ka Jawaabaysa Hadalka Warbaahinta aya Talaadadan Beenisay Warkan ka soo Baxay Saxafada Mareykanka waxana Dowlada mareykanka ay shegtay in aysan jirin wax khilaaf ah go,aankana la qatay bilwogii Hore ee Sanadkan isla Markana Shqaqada Safiirnimo ay tahay Jago Wareegto ah oo mar walba uu qof uu qabto
Warbaahinta oo soo xiganaysa Qoraal lagu Soo Daabacay Warbaahinta Aljazeera aya lagu Sheegay in Go,aanka Shaqo ka tagista uu aha mid horay u soo baxay ka hor inta uusan bilaaban xiisada u dhaxaysa Xulufada uu horkacayo dowlada sacuudiga iyo dowlada qadar .
Hadalada Kale ee Saxafada Mareykanku ay Hadal Hayan aya ah in Safiirada ay shegtay in ay wax lala yaabo ay tahay in usa maalin walba markii ay soo kacdo ay ka maqli jirtay wax aan dhagaha dadka mareykanka u fiicneen mudooyinkii u danbeyay
Dana Shell Simth aya Safiirada USA u Joogta Qadar ay Nooqtay Xiligii Madaxwene Barack Obama Waxana ilaa 2014 ay ku Sugnayad Gudaha Qadar oo ay halkaasi ka Ahayd Safiirad dowlada mareykanka u joogtay Qadar waxaana la filaya dhawaan in ay dib ugu labato dalkeeda madama shaqada ay isaga tagtay