Maalmihii u danbeeyey waxaa soo baxaayey warar sheegaya in ay jiraan Xildhibaano ku kacsan Raysalwasaare Xasan Cali Kheyre kuwaas oo doonaya in ay xilka ka tuuraan isaga oo aan sanad shaqeyn!.
Inkasta oo Mooshinada badanaa Xildhibaanadu keenaan ay siyaasiyiin gadaal ka riixaan kuna dhisan tahay dano shakhsiyadeed iyo loolan awood iyo dhaqaale ayaa la is weydiinayaa, maxaa hadda keenay in hadal hayn mooshin soo baxdo?, maxaa laga faa’idey mooshinadii hore 2007-2014?, maxaase loo qoonsadey Raysalwasaare Xasan Cali Kheyre?
Xasan Cali Kheyre ayaa dad badan aanminsan yihiin in uu yahay Raysalwasaare shaqeyn kara, garanaya shaqadiisa oo isbeddel deg-deg ah xukuumadiisu ay la timid, waxaana kamid ah waxa laga xusi karo tan iyo bishii Abril ee Xukunka la wareegtey Xukuumaddda Kheyre.

- Kobcinta dhaqaalaha iyada oo kor looqaadey dakhliga 80%
- La dagaalanka musuq-maasuqa
- Bixinta Mushaharaadkii shaqaalaha iyo ciidamada
- Waxaa magaalada laga saarey ciidamadii faraha badnaa kuwaas oo dib loogu celiyey xeryahoodi
- Waxaa hubka dhigis lagu sameeyey dhamaan malayshiyaadkii aan sumadda lahayn, kuwaas oo qaarkoodna magaalada isaga baxsadeen.
- Waxa Raysalwasaaruhu la xisaabtan joogta ah ku hayaa golaha wasiirada
- Waxaa shaqaalaha dowladda loo sameeyey in ay xafiisyadooda ka shaqeeyaan saacadaha shaqada.
Arrimahan iyo qodobo kale oo badan oo xasilinta Muqdisho ah ayaa ah kuwo si xawli ku socda.
Waxaa jira waxyaabo la dhihi karo weli waxba lagama qaban oo badan waxaana ugu horeeye dib u habeynta Caddaalada.
Yaa wada Mooshinka la sheeg-sheegaayo?
Waxaa dad badan is weydiinayaan cidda kadanbeysa Mooshinkan? waxa ujeedkoodu yahay? iyo awoodda ay hadda leeyihiin?
Si fudud waxaa loo dhihi karaa waxa Mooshinka wada cidkasta oo ka soo horjeeda dhaq-dhaqaaqa dib loogu soo celinayo qaranimadii iyo haykalkii Soomaaliyeed, waxa wada kuwo leh dano shakhsiyadeed oo doonaya in ay ku gaaraan dabarka iyo seetada ay gelinayaan xukuumadda, waxaa wada kuwo ka soo horjeeda xasilinta iyo dejinta Muqdisho lagana dhigi karo magaalo caasimad u eg oo lagu shaqeyn karo.
Qolooyinka Mooshinkan sida hoose u wada ayaa u qaybsan laba qolo:-
Waxaa la aaminsan yahay kulankii Ankara ay ku yeesheen Madaxweynihii hore ee Jamhuuriyadda Xasan Sheekh Maxamuud iyo Xildhibaan Axmed Macalin Fiqi oo ahaa nin si weyn uga soo horjeedey mudadii uu xilka hayey Xasan Sheekh in uu saldhig u ahaa mideynta Xildhibaanadii taageersanaa Xasan Sheekh Maxamuud iyo kuwii isbeddel doonka ahaa ee ku hungoobey in ay qayb ka noqdaan Xukuumadda Kheyre, Xildhibaanadan ayaa tiradooda guud lagu sheegaa hadda 70 Xildhibaan.
Qolada labaad ayaa ah kuwo Qabyaaladu madax martey, awood ku lahaa Muqdisho tan iyo burburkii dowladdii hore, kuwaas oo siyaabo khaldan awooda ugu faa’ideystey, waxaan ay hadda ku awrkacsanayaan kicin bulsho iyo caadifad qabyaaladeed.
Raysalwasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa haysta muddo 6 bilood oo ka bilaameysa maalintii xildhibaanadu kalsoonida siiyeen in aan laga keeni karin wax mooshin ah, 6 bilood kadib ayaa laga doonayaa in uu hortago baarlamaanka u jeediyo khudbad uu uga hadlaayo wax qabadkiisa.

Xildhibaanada durba bilaabey dhaqankii hore ee Xukuumadaihii Soomaaliya lagu curyaamiyey ayaa sheegaya in xiligaas ay tahay marka ay la fiirsanayaan mooshinka dhawaaqiisu soo baxaayo.
Kalfadhiga labaad ee Baarlamaanka 10aad ayaa lagu wadaa in uu furmo bisha Luuliyo.
Mooshinka la sheegayo ayaa noqonaya mid ka duwan kuwii hore. Madaxweynaha iyo Raysalwasaaraha ayaa ah laba qof oo aad isugu dhaw wada shaqeyn wanaagsan ka dhexeyo sida Madaxweyne Farmaajo sheegay, halka Mooshinadii hore ay ahaan jireen kuwo Madaxweynayaashu ay gadaal ka riixaan kadib markii ay awooda ku qabsadaan Raysalwasaaraha, waxaana la isweydiinayaa Mooshinkan ay riixayaan Xildhibaano aan haysan aqlabiyad halka uu ku danbeyn doono.
Dhanka kale xildhibaanada aqalka hoose ee shirarka ku yeeshay Kenya iyo Muqdisho waxaa weheliya Xildhibaano kale oo ka tirsan Aqalka Sare kuwas oo shaqadoodu aysan ahayn xukuumad la ansixiyo ama la rido, waxaana ay ku wareersan yihiin shaqadoodu waxay tahay maadaama Aqalka sare uu yahay wax ku cusub Soomaaliya dastuurtkuna aanu siin awoodo lamid ah kan Aqalka Hoose.
Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi iyo Rayusalwasaare Kheyre ayaa wada dedaal ay shacabka ugu sheegayaan shaqada ay hayaan iyo caqabadaha jira, waxaana ay doonayaana in ay uga horkeenaan shacabka mawjad kasta oo siyaasadeed oo lagu wanjalayo Xukuumadda curdinka ee in badan oo shacabka kamid ah aaminsan yihiin in ay ku socoto waddo dalka xasilin karta.
W/Q Maxamed Cismaan