Madaxweynaha dawladda Puntland Dr Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa goor dhaw magacaabay guddi gaar ah oo ka shaqeyn doona xaaladda degmada Caluula ee gobalka Gardafuu, ka dib markii xaalad adag laga soo sheegay deegaankaas.
Madaxweynaha ayaa magacaabay guddigan, ka dib markii golaha Xukuumada la horkeenay maanta xaaladda deegaankaas oo ay biyaha Baddu ku soo furmeen.
Guddiga la magacaabay ayaa kala ah.
1- Wasiirka Howlaha Guud, Gaadiidka & Guryeynta Cabdirashiid Maxamed Xirsi
2- Wasiirka Haweenka & Arrimaha Qoyska Aniso H Muumin
3- Gudoomiyaha KMG ah ee Hay’adda PHA &
4- Wasiir kuxigeenka Kalluumeysiga ee dawladda Puntland.

BAARGAAl.NET
isha wararka Horumarka Calbari