Ardayda iyo Macalimiinta Degmada Baargaal oo Maanta si qiiro leh uga mudaharaaday Dadkii ku dhintay Qaraxii Muqdisho {Sawiro+ Video}
Admin
Macalimiinta iyo Ardayda dugsiyada Degmada Baargaal ee Gobolka Gardafuu ayaa saaka Muujiyay Sida ay ugu xun yihiin weerarkii Lagu dilay oo lagu xasuuqay Shacab badan oo aan waxba Galabsan oo 14 bishan october ka dhacay Muqdisho.
Ardayda iyo sidoo kale Macalimintii ka qayb galay banaabaxan ayaa si qiiro iyo murugo badan u Muujiyay sida ay uga xun yihiin Wixii ka dhacay isgooska Zoobe ee Muqdisho.
Sidoo kale isu soo baxan waxaa ka soo qayb galay xubnaha ururka dhalinyarada degmada Baargaal ee Bayda iyo masuuliyiin matalaysay maamulka degmada oo uu horkacayay sii hayaha xilka gudoomiyaha Degamada Baargaal mudane siciid cawil dhuxul waxa ayna dhamaan ka soo qaybgalayaashii dibad baxan soo xirteen Maro Gaduudan oo ay ku muujinayeen sida ay uga xun yihiin Dhacdadii ka dhacday magaalada muqdisho .
macalimiinta iyo Aradyada ayaa Balan qaaday in ay ka qeyb qaadanayaan Caawinta Dadkii wax ku noqday Qaraxaasi ba'an. Daawo sawiro: