Munaasibad balaaran oo lagu caleemasaarayay laba caaqil oo kamid ah madax dhaqameedka cusub ee Gobolka sanaag ay soo doorteen dadka deegaanka waqooyiga bari ee gobolka sanaag ayaa lagu qabtay deegaanka widhwidh oo dhinaca waqooyi ka xiga magaalada ceerigaabo
labadan caaqil oo kala ah Caaqil Jaamac Cilmi Oogle iyo Caaqil Maxamed Yuusuf Cali ayaa munaasibada caleemasaarkoodu waxay ka dhacday dooxada Dalsan ee deegaanka widhwidh waxaana munaasibada caleemasaarkooda ka soo qayb galay madax dhaqameed isugu jira boqoro , cuqaal waayeel waxgarad iyo waliba aqoonyahano
cuqaashii iyo waxgaradkii ka hadlay munaasibada caleema saarka labada caaqil ayaa sheegay inay soo dhawaynayaan aynka faraxsanyihiin ayagoo cadeeyay in cuqaashan ay beel gaar ah cuqaal u ahayn kaliya balse ay cuqaal u yihiin beelaha gobolka sanaag ayagoo ilaahay uga baryay inuu u fududeeyo xilka ay qabteen oo ah xil culus
ugu danbayntii munaasibada waxaa madasha hadalo mahad celin ah ka soo jeediyay ah Caaqil Jaamac Cilmi Oogle iyo Caaqil Maxamed Yuusuf Cali oo sheegay inay sidii lagula dardaarmay inay ka shaqayn doonaan
Halkan Ka daawo Caleemasaarka