Cabdiweli Gaas ayaa sheegay in ay soo dhoweynayan wadahadalka uu ugu yeeray Madaxweyne Farmaajo madaxda maamul gobaleedyada isla markana ay ka qaybgalayan.
Hadalkan ayuu sheegay isagoo ku hadlaya Afka Madaxda maamul gobaleedyada, xilli ay garab fadhiyeen Gudoomiyasha labada aqal ee Soomaaliya Maxamed sheikh Cisman Jawaari iyo Cabdi Xaashi Cabdullaahi oo iyagana isla galabta soo gaaray magaalada garoowe.
Hadalka Gaas kasoo yeeray ayaa imaanayo xilli Madaxweynaha Soomaaliya maxamed Cabdullaahi Farmaajo uu dhawaan ku dhawaaqay kulan ay isugu imaanayaan madaxda Maamul Goboleedyada iyo dowladda dhexe oo khilaaf ka dhaxeeyo.
Kulankaas ayaa loo qorsheeyey inuu dhaco 28 Bishaan, waxaana ka qeyb geli doono dhammaan madaxda maamul Goboleedyada Soomaaliya iyo Mas’uuliyiinta ugu sareeyo dalka.
BAARGAAL.NET
isha wararka horumarka calbari