Nimankaasi oo luqada Carabiga ku hadlayay waxay sheegeen in Somaliland ay ka noqoto go’aankii ay hore ugu ogolaatay Imaaraadka saldhiga millateri ee Berbere haddii ay sameyn waayaan gantaalaha ay ku garaacayaan dalka Sacuudiga ay ku garaaci doonaan Magaalada Hargeysa.Waxay ugu baaqeen xukuumada Cusub ee Somaliland qabsatay inay ka laabato heshiiskaasi.
Muuqaalka lagu baahiyay baraha bulshada ayaa cabsi ku abuuray shacabka ku nool Somaliland, maadaama dekada Berbera oo ah isha ugu muhiimsan ee Somaliland ku nooshahay ay 200KM u jirta biyaha Yemen.
Xuutiyiinta dagaalka kula jira dowlada Sacuudiga iyo xulafadiisa ayaa laga cabsi qabaa inay weeraro ka geystaan biyaha badda Berbera iyagoo ka hortagaya duulaan xulafada sacuudigu kaga soo qaadaan Xeebta Magaalada Berbera.
Xukuumada Somaliland ayaa Emaaraatka Carabta ku warerjisay saldhiga milateri oo ku yaala Berbera bishii April ee sanadkan kaasi oo shacabka ku nool deegaanadaasi kasoo horjeesteen go’aankaasi ay gaadhay xukuumadu..