Soomaalidoo dhan waa dhibkeed
Inta dhigeyga meel dhigtaan
dheeraad rabaahu waa dhibkeed
Dhibya xumoon dhamaad leheyn
abaal ladhaamo waa dhibkeed
Dhaqanya marti dhowrideed
in lagu dheelo waa dhibkeed
Dhulkaaga igusoo dhaweey
dhaxalna sheego waa dhibkeed
Ninba mahoow kudhaqanyoo
Rabbi kudhowray dhaafimaa
Dhulkaanu dadka wow dhextaal
dhiishaasa ninba meel dhigtaa
*Dhaxalna duulkii loo dhaloo
rabi udhigay waa udhaaf
Martiyad soo dhaweysatoo
dhabtaadi rabta waa dhibleey
Waxaa ka dhigan dhiiladaas
dhulka bannaadir waa dhexyaal
dhibaa jiree isoo dhaweey
waa dhacday oo la dhibsamaa
Bal dhaha aan dhegeysanee
goboladoo dhan waa dhexyaal.
Salaad Hassan Ali