Madaxwaynaha maamulka Puntland C.wali Maxamed Cali ( Gaas ) ayaa khudbad ka jeediyey Furitaanka Garoonka Diyaaradaha ee magaalada Garoowe kaasi oo loogu magac daray Jeneraal Maxamad Abshir Hammaan.
” Sanadii 2014-kii anoo jooga London ayaan waxaan idin iri, Hal sano hal airport, labo sano labo airport saddex sano saddex Airport” ayuu yiri Gaas.
Dhinaca kale Madaxweyne Gaas oo ka Xanaaqay Guulihii u Garoonka ka sheegtay C.raxmaan Faroole Madaxwaynihii Hore ee Puntland ayaa yiri “Warkii uu halkan ka yiri Madaxweynihii hore anigu u jawaabi maayo, caano ninkii soo lisay la yaqaan ninkii doonaba ha sheegto”.
Halkan ka daawo waxa dhexmaray