Cumar C/rashiid ayaa lagu waday inuu yimaado Soomaaliya,gaar ahaan magaalada Garowe ee caasimada Dawlad goboleedka Puntland si halkaasi loogu kulansiiyo madaxweynaha Dawlada fedraalka soomaaliya Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo oo booqasho ku jooga Puntland.
Dowladda Imaaraadka oo ka war heshay wararka sheegaya in la isku soo dhoweeyo Madaxweynaha iyo Senatorka ayaa baajisay safarka Cumar C/rashiid kuna war gelisay inuu joogo ilaa iyo amar danbe.
Sarkaal magaciisa diiday oo ka mid ah Qolada Mucaaradka ayaa sheegay in warkaan uu soo gaaray saacado ka hor balse uusan xaqiijin karin xaqiiqdiisa.
Ra’iisal wasaarihii hore ee Soomaaliya Cumar C/rashiid Cali Sharmarke ayaa hormuud u ah Siyaasiyiinta iyo Xildhibaanada Mucaaradka ku ah Dowladda Farmaajo,sidoo kale senator Cumar C/rashiid Cali Sharmarke ayaa dawlada imaaratka carabta oo faragin ku haysa arimaha soomaaliya waxay horay ugu magacwaday senetarka la taliyaheeda arimaha soomaaliya iyo geeska.
Waxgaradka iyo Siyaasyiinta Puntland ayaa dadaal ugu jira sidii la isugu soo dhaweyn lahaa madaxweynaha Soomaaliya iyo Ra’iisal wasaarihii hore ee hadda ka mid ah siyaasiyiinta ugu weyn Mucaaradka Soomaaliya.