القائمة الرئيسية

الصفحات

Madaxweyne C/weli Gaas Oo U Ambabaxaya Safar Itoobiya Ah , Si Deg Deg Ayaa Loogu Yeeray


Ilo wareedyo ka adhow Madaxtooyada Puntland  ayaa sheegaya in madaxweynaha Puntland professor C/weli Maxamed cali Gaas iyo wafdi uu hogaaminayo ay u safraayaan asbuucaan magaalada Adis Ababa ee caasimada dalka Itoobiya

Ujeedka safarkaas ayaa ka dambeeya dhex dhexdaadin dowladda Itoobiya u sameyneyso Puntland iyo Somaliland kuwaas oo loolan dagaaleed uu u dhaxeeyo mudooyinkaan

Waxaa horay u booqday Adis Ababa madaxweynaha Somaliland  Muuse Biixi, waxa ayna arimahaan imaanayaan xilli Somaliland ay qabsatay deegaanka Tukuraq

madaxwayne C/wali maxamed cali gaas ayaa xalay dib ugu soo laabtay magaalada Garoowe ka dib safar dhulka ah oo uu madaxweyne Farmaajo kula tagay deegaano ka tirsan Mudug iyo Galgaduud