Wasiiro katirsan dawladda Puntland oo goobta tagey ayaa la kulmay Shirkada P &O oo lagu eedeynayo in ay diiday in Doonidan ay ku soo xirato marsada magaalada Boosaaso.
Ganacsatada oo wariyaasha hadda la hadlay waxay dhaliileen Shirkada DP WORLD oo ay sheegeen in ay shalay diiday in doonidan ay ku soo xirato Dekeda magaalada, ayna ilaa hadda muuqdaan dadaalo gaabis ah.
Wasiiro katirsan dawladda Puntland ayaa beeniyey wararkaas ka soo yeeray Ganacsatada, waxayna sheegeen in aan waxba ka jirin Doonidu ay iska caariday xili aan waxba laga qaban Karin, haddana ay dadaalkii dawladdu sii wado.
Wararka ayaa sii kordhaya, waxaana ilaa hadda socda dadaaladii ugu dambeeyey ee wax looga qabanayo sidii loo badbaadin lahaa Hantida faraha badan ee doonidan saaran.