Wararka naga soo gaarayo magaalada Kismaayo ee ee xarunta Jubbaland ayaa sheegaya in xanuun deg deg ah soo wajahaday fanaanka Caanka ah ee Cali Bashiir “Cali Dhaanto ” oo booqasho ku jooga magaalada Kismaayo ee caasimada Dawlad goboleedka Jubbaland
Fanaanka oo aad u liita ayaa hada lagu haayaa garoonka magaalada Kismaayo waxaana loo soo wadaa Isbitaal ku yaala magaalada Muqdisho, sida ay sheegeen saraakiil ka tirsan Madaxtooyada Kismaayo.
Qof ka mid ah Shaqaalaha Madaxtooyada Kismaayo iyo mid ka mid ah Dhaqaatiirta magaalada Kismaayo ayaa Idaacadda Kulmiye u sheegay in Cali dhaanto la sumeeyay kadib markii uu ka qayb galay casho sharaf kismaayo loogu sameeyay.
“Cali dhaanto xanuun deg deg ah ayaa soo wajahay markii uu ka qayb galay xaflad loogu sameeyay aqalka martida ee madaxtooyada kismaayo, waxaan u qaadnay Isbitaal ku yaala Kismaayo dhaqaatiirta Caafimaadka waxay noo sheegayn in Fanaanka la sumeeyay oo aysan waxba ka qaban karin loona baahan yahay in si deg deg ah loogu gudbiyo Isbitaalada Muqdisho”
sidaasi waxaa sheegay qof ka mid ah shaqaalaha Aqalka martida ee magaalada Kismaayo.