Qaraxa ayaa ahaa mid laga soo buuxiyay gaari,waxana wararka aan heleyno ay sheegayaan in Gariga ay eryanayeen ciidamo ka tirsan kuwa dowladda Soomaaliya balse markii uu marayay kasoo horjeedka hotelka wehliya uu qarxay.
Khasaaro dhimasho iyo dhaawac isugu jira ayaa qaraxaas ka dhashay,waxana dadka dhintay iyo kuwa dhaawacmay ay isugu jiraan kuwa Ganacsi ku leh Goobta uu qaarxa ka dhacay iyo kuwa saarnaa Gawaarida nooxa raaxada iyo kuwa dadweynaha Bii’elka loo yaqaano kuwaas oo Wadada isticmaalayay.
Goobjoogayaal ayaa sheegaya in qaraxa uu dhacay, xilli wadada aheyd mid mashquul ah oo ay gaadiid kala duwan marayeen.
Gaadiidka Gurmadka degdega ee Aamin Ambulance ayaa soo sheegaya inay arkeen dhimashada Sideed ruux, halka dhaawaca afar kalena ka qaadeen goobta.
Wararka ayaa intaa ku daraya in laga yaabo in khasaaraha intaas ka badnyahay, maadaama xilli hore ay tahay.