القائمة الرئيسية

الصفحات

DHEGAYSO: SHIR KU SAABSAN FULINTA QORSHAHA HORUMARINEED EE DEGMOOYINKA PUNTLAND OO GAROOWE LAGU SOO XIRAY.

Shir ku saabsan heerka fulinta ee uu marayo qorshaha horumarineed ee degmooyinka iyo gobollada Puntland oo ay soo qaban-qaabisay dalladda ay ku midaysan yihii ururrada bulshada rayid ah ee PUNSAA ayaa maanta lagu soo geba-gabeeyay caasimadda dowladda Puntland ee Garoowe.
Shirkan oo ay soo qabanqaabisay dalladda bulshada rayidka ah ee PUNSAA waxaa ka soo qaybgalay masuuuliyiin ka socday wasaaradaha qorshaynta iyo arrimaha gudaha ee Puntland iyo qaybaha kala duwan ee bulshada rayidka ah.

Intii uu socday shirka wadatashigu, ka soo qaybgalayaashu waxay  is weydaarsadeen doodo iyo fikrado ka hadlaya oo la xariira qorshaha horumarineed ee Puntland, soona jeediyeen su’aalo la xariira qorshahan iyagoo madaxdii ka socotay wasaaradaha qorshaynta iyo Arrimaha guduhu ka jawaabeen su’aalihii lasoo bandhigay.

War-murtiyeedkii ka soo baxay shirka

Bisha Maarso 25 -26, 2018 Waxay Dalladda bulshada rayidka ah ee PUNSAA soo qaban qaabisey  shir wadatashi oo looga hadlayey heerka fulineed ee uu marayo Qorshaha Horumarineed ee Puntland ayna kasoo qayb-galeen dhammaan saamilayda uu khuseeyo shirkani ayna ka mid yihiin Wasaaradaha Qorshaynta iyo Arrimaha Gudaha ee Puntland iyo qaybaha kala duwan ee bulshada rayidka ah. Wasaaradda qorshaynta ee Puntland ayaa soo  bandhigtay nuqulki ugu dambeeyey ee qorshaha horumarinta Puntland oo dib u eegis lagu sameeyey (2017 – 2019),

Waxayna ka soo qayb galayaashu is weydaarsadeen doodo iyo fikrado ka hadlaya oo la xariira qorshaha horumarineed ee Puntland, soona jeediyeen su’aalo la xariira qorshahan iyagoo madaxdii ka socotay wasaaradaha qorshaynta iyo Arrimaha guduhu ka jawaabeen su’aalihii lasoo bandhigay.

Dhibaatooyinka  jira 

Is xogwaraysi kadib waxaa la garwaaqsaday in heerka fulineed ee qorshaha horumarineed aanay bushada rayidka ahi xog badan ka haynin loona baahan yahay inay bulshadu si dhow ula socoto una qareento qaybaha u baahan in shaqo dheeri ah laga qabto.

Si looga gudbo dhibaatooyinkan 

Si xal loogu helo dhamaan dhibatooyinka aan kor ku xusnay waxa shirka wada tashigu isla gaaray in dabagal, kormeer iyo korjoogteyn  lagu sameeyo heerka fulineed qorshaha horumarinta Puntland. waxa sidoo kale lagama maar maan ah in la joogteeyo shirarka noocan ah si loo helo hanaan isku xira bulshada rayid ka ah iyo dhamaan hayadaha daneeya qorshahan oo ay hormuud u yihiin wasaaradaha Qorshaynta iyo Arrimaha Gudaha ee Puntland

Talo soo jeedin :

¬ Inay dawladdu la wadaagto xogaha muhiimka ah bulshada rayidka ah
¬ Bulshada rayidka ah waa qayb aasaasi ah oo dawladda ka mid ah
¬ Ururrada bulshada ah waa in laga qayb geliyaa jaangoynta qorshaha horumarineed ee Puntland
¬ Bulshada rayidka ah waa in si buuxda  looga qayb geliyaa dejinta siyaasadaha Puntland
¬ In shirarka looga hadlayo fulinta qorshaha horumarinta Puntland ay kasoo qayb galaan hay’adaha fulinaya qorshahaas
¬ Waa in bulshada rayidka ah qayb ka ahaadaan kormeerka iyo qiimaynta mashaariicda Puntland laga fuliyey
¬ Waa in la helaa hab midaysan oo ay ku wada shaqayn karaan Dawladda iyo bulshada rayidka ahi
¬ Waa in shacabka loo soo bandhigaa heerka wax qabad ee laga gaaray mashaariicda laga fuliyey Puntland iyo kuwa socdaba iyadoo la adeegsanayo warbaahinta
¬ Waxay bulshada rayidka ahi ku talo bixinaysaa in dejinta qorshayaasha horumarineed ay noqdaan kuwo ku dhisan wada tashi lagana soo bilaabo heer tuulo ilaa heer dawlad goboleed
¬ Wuxuu shirka wada tashigu soo jeedinayaa in qoondaynta mashaariicda lagu saleeyo caddaalad iyo daah furnaan
¬ Waa in deeq bixiyayaashu raacaan qorshayaasha ay degsatay dawladdu si looga fogaado in mashaariicdu isku dul dhacaan
Halkan ka dhagayso