القائمة الرئيسية

الصفحات

Sawiro: Magaalada Guureysa Maxay Ahayd?



waxaa baraha bulshada iyo warbaahinta aad looga hadalhayaa in la soo sheegay magaalo guureysa oo ay arkeen dadka reer Jalaqsi .
Haddii ay JIRTO dhacdadaasi oo la ARKAY wax u eg magaalo oo leh daarihii iyo dhismayaashii oo hawada heehaabaysa , oo aanay BEEN aheyn , waxaasi muxuu yahay , muxuu noqon karaa ?
Dhalanteed / wirwir / dhallaanhabaabis (mirage) haddaad arkaysaan oo aad aragteen , dhacdadanina wax kale ma aha waa hadday jirto e waa DHALANTEED .

Af-ingiriisiga waxaa lagu yidhaahdaa dhacdada noocaasa Fata Morgana Mirage ( Dhalanteedka Faata Morgaana) waa ifafaale aan badanaa la arag , waxaa lagu arkaa barriga , saxaraha oo kale , ama badda korkeeda , dhalanteedka faata morgaana wuxuu soo celiyaa (oo aad ka dhex arkaysaa) hummaagga waxkasta xitaa waxaasi aad ha uga fogaadaan , ama haku beegnaadaan, xitaa dhalanteedkaas waxaa laga dhex arkaa hummaag aan ufuqaba laga arkayn oo aad u fog .


Dhalanteedkaasi si dhakhsa ah buu isu bedbeddelaa oo hummaaggii kaaga muuqday midabbadiisii qaababkiisii ayaa isbedbeddelaya.
Tusaale ahaan haddii ay kuu muuqatay doon weyn oo cad , wax yar ka dib hummaaggii wuuu isu beddeli karaa doon yar ama shakli kale oo casaan ama jaalle ama midab kale yeeshay . Ama wax is rogaya ama soconaya oo kale ayay kuu la muuqan .
Dadka leh waxaan aragnay magaalo guuraysa waxay la kulmeen dhacdada (Dhalanteedka Faata Morgaana) oo laba midkood baa suuragal ah.



  1. In magaaladii hummaaggeedii oo daarihii iyo guryihiiba leh xagga sare ay ka daawadeen weliba sawirkii magaalada oo hoos u soo jeeda. 
  2. In magaalo kale oo ka ag dhaw sawirkeedii ay ka dhex arkeen ufuqoodaas.
Sawirrada iyo Fiidiyowyada xaafado ama guryo heehaabaya cirka ee dadku isweydaarsanayaan waxay u badanyihiin sawirgacmeed lagu sameeyay Photoshop.