القائمة الرئيسية

الصفحات

WAR CUSUB: Imaaraatka Carabta oo sheegtay in Difaaci doonan Somaliland, haddii lagu soo weeraro Arrimaha Ganacsigooda la xariira.


Dawladda Imaaraatka Carabta ayaa daaha ka rogtay in ay ka hortagi doonaan haddii Somaliland ay la kulanto dagaal uga yimaada arrimaha la xariira danahooda ay ka hayaan gudaha maamulkaas, oo dabcan ay ula jeedo Saldhiga Milateri & Heshiiska dekeda Berbera, taas oo ay ka dhalatay xasaasiyad xoog badan oo ay dawladda Soomaaliya si rasmi ah u diiday.

Ra`iisulwasaare kuxigeenka dalka Imaaraatka Carabta ahna Wasiirka Madaxtooyada ee dalkaas Mansoor Bin Sayid Al Nahyan ayaa u sheegay jariirida lagu magacaabo Bloomberg ee ka faalooto arrimaha Ganacsiga iyo hardanka hadda ka socda geeska Africa.

Raysalwasaare kuxigeenkan wuxuu sheegay in ay mashaariic fara badan heshiisyo kula galeen Somaliland, ayna hadda muuqato xasaasiyad weyn oo ka dhalatay, isagoo sheegay in cidii ka hortimaada ammaanka maamulkaas, taas oo uu ula jeedo dabcan caqabadaha haddaku wareegsan.

Mr, Mansuur wuxuu kaloo sheegay in dadaalada dawladda Faderaalka Soomaaliya ay hadda ugu jirto joojinta mashaariicda ay tahay mid sharci darro ah oo ay ka hortagi doonaan, isagoo sheegay in ay arrimahan kala hadleen wadamada gobalka oo ku howlanaa.

Hadalka Xukuumada Imaaraatku ay soo saartay ee ah in ay difaacayso Somaliland iyo booqashadii dhawaan ay ugu yeertay Taliyaasha ciidamada maamulkaas, waxay ka turjumayaan sidda dawlada imaaraatka ugu xadgudbayso madaxbanaanida iyo qaranimada jamhuurida fedraalka soomaaliya