Wasaaradda Arrimaha Dibadda Soomaaliya ayaa maanta u yeertay Safiirka Imaaraadka Carabta u fadhiya Muqdisho Maxamed Axmed Al-Cusmaan Xamaadi, iyadoo tallaabadan ay noqoneyso tii u horeysay oo diblomaasiyadeed ay uga jawaabeyso faragelinta Imaaraadka Carabta.
Wararka ayaa sheegaya in Safiirka Imaaraadka Carabta wax laga weydiiyay arrimaha Saldhiga Milateri ee Imaaraadka Carabta ka dhisanayo Berbera iyo Heshiiska DP World.
Safiirka ayaa looga yeeray xarunta Wasaaradda Arrimaha Dibadda, waxaana dowladda muujisay sida ay uga xun tahay tallaabooyinka is daba jooga ee ka hor imaanaya Qaranimada iyo Madax banaanida Soomaaliya.
Ma jirto illaa iyo hadda wax war ah oo Wasaaradda Arrimaha Dibadda ka soo saartay u yeerida Safiirka Imaaraadka Carabta.
Arrintan ayaa ku soo aadeysa, kaddib markii dhowaan labada Aqal ee Baarlamaanka Federaalka ay ansixiyeen xeer dalka looga mamnuucayo Shirkadda DP World ee laga leeyahay Imaaraadka Carabta, waxaana xeerkan uu sugayaa ansixinta Madaxweyne Farmaajo.
Imaaraadka Carabta ayaa sanadihii u dambeeyay si weyn ugu lug lahaa siyaasada Soomaaliya, isla markaana lagu eedeeyay inuu faragelin ku haayo, waxaana xiriiro dhow uu la sameystay Maamul goboleedyada.