Magaalada Taageer ee Degmada Baargaal ee gobalka Gardafuu waxaa lagu caleema saaray Nabadoon Cabdulaahi Nabadon Caynab muuse Xaaji Samatar oo Nabadoon u noqon doona Beesha Liibaan Cabdisamad ee Beelaha aadan Cabdiraxmaan ee Siwaaqroon
Xalafada caleema saarka oo ahayd xaflad lagu caleema saaro Nabadoon tii ugu waynayd oo lagu qabto deeganada gobolka Gardafuu iyo Calbari ayaa ahayd mid si qurux badan loo soo agaasimay iyadoo lagu saleeyay Hidaha iyo dhaqanka soomaaliyeed ayaa waxaa ka soo qayb galay dhamaan Nabadoonada deegaanka iyo Nabadoono iyo cuqaal ka kala yimid degmooyinka iyo magaalooyin waawayn ee Puntland iyo Soomaaliya iyo Aqoonyahano iyo waxgarad ka yimi dalalka deriska ah, samadoono, culamaaudiin , masuuliiyin ka socada Dawlada Puntland oo uu hogaaminaayay Xildhibaan Salaad Xareed cali, iyo sidoo kale gudoomiyaha Gobolka Gardafuu Maxamuud Axmed Caynab Gubsul iyo Gudoomiyaha Degmada Baargaal Abuukar Axmed Yuusuf iyo Taliyaha Qaybta Gobolka Gardafuu taliye shire Cabdi ismaaciil iyo marti sharaf kale oo kor dhaafay 700 oo qof
Halkan Ka daawo qaybtii 2aad sawirada caleema saarka